Nin rabay inuu Soomaaliya u yimaado ku biirida Al-Shabaab oo la qabtay

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidanka la dirirka argagixisada Kenya ayaa xaafada Islii ee caasimada Nairobi ka qabto latuhunsane loo maleynayo in uu qorsheeyay in uu u socdaalo Soomaaliya si tababar ula soo qaato ururka Al-Shabaab.

Idd Seleman Bakari oo la qabto 29-kii July ee sanadkan 2020-ka kadib xogo sirdoonku heleen ayaa la aaminsan yahay in lagu xagjireeyay magaaladda Mombasa.

Laba alifle Fredrick Ouma oo ka tirsan Taliska Ciidamadda La dagaalanka argagixisada ee Nairobi ayaa tibaaxay in ay jiraan shabakad kale oo gacansaar la leh Bakari, kuwaas oo uu caddeeyay in ay ku raadjoogaan.

La tuhunsanaha oo uu hoosta ka xariiqay in ay baaritaan ku bilaabeen ayuu carabka ku dhuftay in ay waydiinayaan su'aallo la xiriira cidda diiwaan-gelisay, dhaqalaaha bixineysa iyo suurtagalimada in uu xogo bixiyo.

"Baaritaanka waa mid aad u adag. Wuxuu qaadan karaa waqti badan, maxaa yeelay waxaan dooneynaa in aan macluumaad badan ka helno. Telefoonkiisa ayaan hubin ku sameyn doonaa," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, Bakari ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta xagjirnimo iyo Al-Shabaab kamid yahay.

Bishaan August 6-deeda ayaa loo muddeeyay in uu kasoo muuqdo maxkamad, isagoo tan iyo waqtigaas la kulmi doona baareyaasha si ay u waydiiyaan su'aallo ku saabsan safarkiisa iyo "arrimaha kale ee ku geedaman".

Xubin ka noqoshadda Al-Shabaab waxaa uu ku wajihi karaa 30-sano oo xarig ah. Sidoo kale, hadii lagu helo dambi ah in uu u socdaalayey si uu Al-Shabaab tababar ula soo qaato ayaa wuxuu ku wajihi karaa 20-sano oo xabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM