Qarax culus oo ka dhacay dalka Kenya [Fahfaahin]

Image

LIBOI - Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo lala eegtay Kolanyo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya, xilli ay marayeen magaalada Liboi, oo ku taalla xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa lagu dilay Shan Sarkaal oo Boolis ah, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo xaaladoodu halis tahay, sida uu xaqiijiyay, gudoomiye ku xigeenka Degmada Dhadhaab Harun Kamau.

Harun ayaa sheegay in xiliga la beegsanayey Askarta ay ku jireen Roondo amni oo ay ka wadeen deegaanada Xadka Soomaaliya ku teedsan.

"Weerarka oo dhacay subaxnimadii Arbacada waxaa lagu beegsaday saraakiil Roondo caadi ah ku jirtay, nasiib daro Shan sarkaal ayaa naftooda ku weysay, saddex kalena waa dhaawac," ayuu Harun u sheegay Daily Nation.

Weerarkan ayaa ka dhacay saddexda subaxnimo Tuulada Harar oo ka tirsan Liboi, taasoo dhowr mitir u jirtay xudduuda. Kamau ayaa sheegay in askarta dhaawaca soo gaarey loo duuliyay magaalada Nairobi si loogu daaweeyo.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa daboolka ka qaaday in askar loo diray halkaas si ay u daba-galaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka fuliyay, kuwaasi oo loo maleynayo inay usoo gudbeen dalka Soomaaliya

Kenya ayaa ka dhacay weeraro badan ay kusoo qaadey Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeeda ay usoo dirtay Soomaaliya 2011 si ay Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ugu biiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM