Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku naf-waayey qarax miinno oo Arbacada maanta ah ka dhacay ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi barri dalka Kenya, sidda ay warisay warbaahinta maxalliga ah.

Miinada ayaa haleeshay gaari ay saarnaayeen haweenay xaamilo ah, seygeeda, kalkaaliso iyo darawalka. Marka laga reebo haweenayda uurka leh, inta kale waxay ku dhinteen weerarkaas lagu eedeeyay Al-Shabaab.

Gaariga miinada la kacdey ayaa lagu waramay in uu ahaa Ambulance isla markaana uu ku wajahnaa Isbitaalka Dhalmada ee Ceelwaaq.

Wareyska The Star oo soo xigtay illo wareedyo bileys ayaa tilmaamay in dad kale oo dhaawacyo kasoo gaarey falkaas loola cararay goobaha caafimaadka isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay waqti xaadirkan.

"Hooyada xaalkeedu waa wanaagsan yahay. Waxaanta ay wax ka dhaceen u dirnay ciidamo baadigooba dableyda ka dambeysay falkaas," ayuu yiri Rono Bunei, oo ah taliyaha booliska gobolka waqooyi barri.

Weerarkan ayaa maalmo kadib markii ciidamada Kenya ay sheegeen in afar Al-Shabaab ay ku dileen howlgal ay ku beegsadeen saldhig qarsoodi kuna lahaayeen keymaha Boni Forest ee gobolka xeebta ku yaala ee Lamu.

Intii howlgalkaa socday, ciidanka ayaa sidoo kale soo xiray qof la tuhunsan yahay loona maleynayo in uu xubin ka yahay maleyshiyadda.

Todobaad kahor, Al-Shabaab ayaa qafaalatay kadibna gowracdey Cumar Buul, mas'uul ka tirsanaa ismaamulka Wajeer. Marxuumka waxaa la helay madaxiisa, balse waxaa lagu raadjoogaa qeybaha kale ee jirkiisa.

Dhacdooyinkan liddiga ku ah nabad-gelyadda ayaa kusoo hagaagaya xilli horaantii bishaan December ay soo baxeen warar tilmaamaya in Al-Shabaab tirro badan ay u talaabeen Kenya ayna qorsheyaan weeraro dhiig ku daato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM