Qaylo-dhaan kasoo yeertay madaxwayne ku xigeenka la eryay ee Kenya

Image
Rigathi Gachagua ayaa madaxwayne William Ruto waxa uu ku eedeeyay inuu halis geliyay naftiisa.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne ku xigeenka Kenya ee xilka laga xayuubiyey, Rigathi Gachagua, ayaa sheegay Axadii in kooxdii ilaalada u ahayd lagala noqdey, haddii ay wax ku dhacaanna uu masuul ka yahay Madaxweyne William Ruto.

Gachagua - oo iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan - ayaa u sheegay saxafiyiinta in ammaankiisa uu halis ku jiro.

“Waa nasiib darada ugu badan ee dalkan ka dhacda in nin gacan kaa siiyay in aad Madaxweyne ka noqoto aad u xumayso”ayuu u sheegay suxufiyiinta isaga oo ula jeeday Ruto oo uu ku taageeray musharaxnimadiisa doorashada 2022-ka.

Afhayeenka booliiska Resila Onyango ayaa diiday in ay jawaab degdeg ah ka bixiso waxayna sheegtay in ay wax ka weydiin doonto hadalka Gachagua ee ku saabsan ilaalinta amniga. Afhayeenka Ruto ayaa sheegay inay dib ka faalloon doonaan.

Sikastaba ha ahaatee, waa caado wax badans oo jirtay in ciidamadda ilaalada si joogto ah hoos loogu dhigaa siyaasiyiinta xilalka sarre kasoo qabata waddanka ka dib markay ka tagaan xafiiska Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo ugu dambeyn shaashadaha kasoo muuqdey

Paul Biya oo 91 jir ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay meel fagaare ah muddo lix todobaad ah.

  • Afrika

    22-10-2024

  • 05:56AM

Mozambique: Qareenka siyaasi mucaarad ah oo la khaarijiyay

Elvino Dias ayaa waxa uu qareen u ahaa murashax madaxwayne doorasho qabsoomeysa 10 casho kadib.

  • Afrika

    20-10-2024

  • 03:11PM