Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Mar Kale Ku Celiyey In Dalkaasi Uu Heli Doono Marin-Badeed  

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in dalkiisu uu xaq u leeyahay inuu helo marin-badeed, isaga oo carabka ku adkeeyay in arrintaas lagu gaari doono dadaal iyo qorshe sugan, halkii laga sugi lahaa deeq ama oggolaansho dibadda ah.

Abiy oo ka hadlayay furitaanka mashruuca gaaska dabiiciga ah ee Calub ee gobolka Soomaalida Itoobiya, ayaa tilmaamay in Itoobiya aysan dib uga laaban doonin dadaalka ay ugu jirto in ay yeelato deked iyo saldhig ciidan, si ay u xaqiijiso isku filnaansho dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah.

“Waxaan halkan kusoo bandhigaynaa dadaal muuqda. Waxaan helaynaa waxa aan xaqa u leenahay, annaga oo adeegsanayna maskaxdeena, midnimadeena, iyo juhdiga shacabka Itoobiya,” ayuu yiri Abiy. “Ma nihin dad wax baryaya, ee waxaan nahay dad wax kasbada.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale fariin u diray shacabka dalkaas, gaar ahaan kuwa uu sheegay in aysan si buuxda u arag horumarka socda. “Waxaan rabaa shacabka oo dhan, meel kasta oo ay joogaan, in ay ogaadaan in horumarku socdo — cidna nama joojin karto,” ayuu yiri.

Mashruuca Calub, oo loo arko mid istiraatiiji ah, ayuu ku tilmaamay in uu tusaale u yahay sida Itoobiya u wajahday horumar ay nafteeda u horseeday, iyadoo ka shaqeyneysa sidii ay uga madax-bannaanan lahayd wax uu ugu yeeray “ku-tiirsanaanta joogtada ah ee waddamada deriska ah.”

Hadalka Abiy ayaa imaanaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uu yahay mid xasaasi ah, ka dib markii bishii Janaayo ee 2024 ay Itoobiya heshiis la gashay maamulka Somaliland, taasoo u oggolaaneysay in ay deked ku yeelato biyaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid, iyada oo ku tilmaantay arrintaas mid baal marsan sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Xukuumadda Muqdisho waxay ku eedeysay Addis Ababa in ay faragelin ku hayso arrimo gudaha ah, isla markaana ay wiiqeyso xasiloonida gobolka. Khilaafkaas ayaa keenay in dalal ay ka mid yihiin Turkiga ay u istaagaan dhexdhexaadin, kuna baaqaan wada-xaajood iyo xushmad loo muujiyo xuduudaha iyo madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika.

Inkasta oo uu wajahayo dhaleecayn gudaha iyo dibaddaba, Abiy Ahmed wuxuu adkeeyay in dowladda Itoobiya aysan dib uga noqon doonin qorshayaasheeda ku aaddan horumarinta marin-badeed iyo kobcinta awoodda istiraatiijiyadeed ee dalka.

“Wax kasta oo dal uu gaaro, waxaa ka dambeeya halgan iyo hawlkarnimo. Itoobiya wey gaari doontaa yoolkeeda,” ayuu ku adkeeyay hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles