Siyaasi rug cadaa ahaa oo ku geeriyoodey dalka Koonfur Afrika

Image
Mboweni oo hore u ahaa halgamaa ka soo horjeeda midab-takoorka, ayaa ku dhawaad ​​toban sano musaafuris ku joogay Lesotho.

NAIROBI, Kenya - Guddoomiyihii ugu horreeyay ee bangiga dhexe ee Koonfur Afrika ee madow, oo markii dambe noqday wasiirka maaliyadda, ayaa geeriyooday isagoo 65 jir ah.

Tito Mboweni ayaa waxaa soo gaaray "xanuun gaaban", sidda ay madaxtooyadu xaqiijisay fiidnimadii Sabtida, iyadoo aan la sheegin wax intaas ka badan.

"Waxa aanu waynay hogaamiye iyo qof wadaag wanaagsan oo u adeegay qarankeena sida dhaqdhaqaaqe, hal-abuure siyaasad dhaqaale iyo u ololeeya xuquuqda shaqaalaha," ayuu yidhi madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Qoyska Mbwoeni ayaa sheegay in ay aad u murugeysan yihiin,waxana ay sheegeen in uu ku dhintay isbitaal ku yaala magaalada Johannesburg oo ay ku hareeraysan yihiin eheladiisa.

Mboweni oo hore u ahaa halgamaa ka soo horjeeda midab-takoorka, ayaa ku dhawaad ​​toban sano musaafuris ku joogay Lesotho halkaas oo uu jaamacad kaga baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM