Soomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar lagu taageeray Masar

Image

QAAHIRA, Masar — Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiday inay ansxiyaan qaraar kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Masar oo xiisad la xiriirta webiga Nile ay kala dhaxeyso Itoobiya.

Qaraarkan ayaa ku baaqay in Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka ay ka sameysay Webiga Nile, inta ay heshiis buuxa kala gaareyso dalalka Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda.

Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa soo gudbiyey Masar, waxaana ansixiyey dhammaan wasiirada arrimaha dibedda ururka marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti.

Soomaaliya ma shaacin sababta ay u diiday qaraarkii shalay, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay 23-kii March sheegay in Soomaaliya ay mawqif dhexdhexaad ah ay ka qaadatay muranka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia.

Sidoo kale, Cawad oo hadal ka jeediyey kulankii shalay, oo lagu qabtay qaab muuqaal online ah, ayaa ugu baaqay Masar, Itoobiya iyo Sudan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya.

Itoobiya ayaa sheegtay inay bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto Sudan, oo uu ku qul-qulo webiga Nile.

Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis laga gaarin, waxayna ku xirtay xasiloonideeda.

GO + VOA

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM