Suxufiyiin la Jir-dilay iyo Xilldhibaan si kulul uga hadlay

Image

NAIROBI, Kenya - Jir-dilka loo geystay wariyaasha oo dhacay labo bilood ka hor ayaa wuxuu yimid iyadoo suxufiyiinta ay tabinayeen kusoo noqashada dalka Kenya ee Siyaasiga Miguna Miguna, kaasoo Booliska uga hortageen garoonka Jomo Kenyatta xili uu ka yimid Kanada.

Isla waqtigaas, Booliska ayaa wariyaasha ay weerarka ku qaadeen waxay ka kala tirsanaayeen Muuq-baahiyaal iyo waliba Wargeysyo ah, kuwaasoo ah kuwa ugu afka dheer gudaha wadankaan ku yaala Geeska Afrika.

Sidaas darteeda Ms Jumwa oo ah Xilldhibaan Kenyan ah ayaa waxay codsatay in talaabo laga qaado saraakiishii Booliska ahaa ee dambeeyay falkaan, iyadoona ku eedaysay Wasiirka Arrimaha Gudaha inuu ka gaabiyay wax ka qabshada arrintaan.

Fred Matiang oo ah Wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa wuxuu horey ubalanqaaday inuu wax ka qaban doono arrintaan, laakiin waa uu ku guuldareystay, waxaana hadda Ms Jumwa ay sheegeysaa inay muhiim tahay in arrintaan wax laga qabto.

“Dr Matiang'i wuxuu sheegay inuu sameyn doono Guddi, wali ma hayno wax talaabo ah oo uu ka qaday saraakiishii geystay falkaan. Wariyaashu waxa ku guda jireen markii jir-dilkaan loo geysanay howshooda oo ay mudan yihiin in lagu karaameeyo,” ayey tiri Aisha Jumwa.

“Sidaas darteeda waxaa rabaa inuu noo CS Matiang sababta uu talaabo uga qaadi aayey saraakiisha jir-dishay wariyaashaan, kuwaasoo kaliya shaqadooda ku guda jiray, markii falkaan lagu sameynayay,” ayay hadalkeeda ku dartay.

26-kii Maarso ayey ahayd markii saraakiil Boolis ah ay falkaan kula dhaqaaqeen suxufiyiintaan, waxaaan ay kamid tahay dhibaatooyinka ay la kulmaan wariyaasha meel walba oo ay caalamka ka joogaan, xili Kenya ay kamid tahay meelaha ugu xun ee uu wariye ka shaqeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM

Qaramada Midoobay oo taageertay khariidad si dhab ah u muujinaysa baaxadda Afrika iyo qaaradaha kale

Qaraarka ayaa Jimcihii lagu ansixiyey 164 cod, halka Mareykanka oo keliya uu ka soo…

  • Afrika

    06-09-2026

  • 09:09AM