Taariikhda Raila Odinga: Siyaasiga rug-caddaaga ee Jiheeyay Siyaasadda Kenya
New Delhi, India – Raila Amolo Odinga, siyaasiga rug-caddaaga ah ee reer Kenya oo loo yaqaannay “Baba”, ayaa geeriyooday aroortii Arbacada isagoo da'diisu ahayd 80 jir, xilli uu daawayn u joogay dalka Hindiya, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay qoyskiisa.
Raila ayaa ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan Kenya muddo dhowr iyo toban sano ah, inkasta oo uu shan jeer ku guuldareystay doorashada madaxweynenimo.
Halyeey Dimuqraadiyadeed
Raila ayaa ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan Kenya muddo dhowr iyo toban sano ah, inkasta oo uu shan jeer ku guuldareystay doorashada madaxweynenimo.
Halyeey Dimuqraadiyadeed
Intii uu noolaa, Raila wuxuu ahaa halgamaa u taagnaa xuquuqda shacabka iyo dimuqraadiyadda xisbiyada badan. Wuxuu xabsi u galay doorkiisa ku aaddan iska caabinta kelitalisnimadii xukunkii Daniel arap Moi, waxaana lagu xasuustaa inuu yahay maxbuuskii ugu muddada dheeraa taariikhda Kenya.
Wuxuu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay heshiiskii nabadeed ee 2008 kaddib rabshadihii doorashada ee ay ku dhinteen in ka badan 1,200 qof, taasoo ka dhalatay eedeymihiisii ahaa in codbixinta lagu shubtay. Waxaana uu noqday Ra’iisul Wasaaraha dowladda is-afgaradka.
Lixdankii, Xabsigii, iyo Xorriyaddii

Raila wuxuu ka dhashay qoys caan ka ah siyaasadda Kenya. Aabihiis, Jaramogi Oginga Odinga, wuxuu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay Kenya kadib xornimada sanadkii 1963, laakiin xukuumadda ayuu isaga baxay 1966 isagoo ka biyo diiday siyaasadda Jomo Kenyatta.
Sida aabihiis, Raila wuxuu noqday mucaarad xoog leh, wuxuuna laba jeer u xirnaa arrimo siyaasadeed – 1982 ilaa 1988 iyo mar kale 1989 ilaa 1991 – waxaana loo haystay inuu qayb ka ahaa isku day afgambi. Laakiin taas waxay ka dhigtay halyay qaran oo loo arko halgamaa xorriyadeed.
Mucaarad Xooggan, Saaxiib Madaxweyne

Inkasta oo uusan waligiis noqon madaxweyne, Raila waxa uu siyaasadda Kenya saameyn weyn ku lahaa. Madaxweynayaal badan ayaa ku khasbanaaday inay la shaqeeyaan ama la heshiiyaan si ay u helaan xasillooni siyaasadeed.
Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta ayaa la saxiixday heshiis taariikhi ah oo la baxay "Gacanta Isku Haynta" sanadkii 2018, halka Madaxweynaha haatan, William Ruto, uu sanadkii hore qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada ODM ee Raila si uu u dhiso dawlad ballaaran.
Si kastaba, heshiiskaasi wuxuu Raila ku keenay dhaleeceyn badan, gaar ahaan dhallinyaradii ka dambeeyay mudaaharaadyadii 2023, kuwaasoo ku eedeeyay inuu "iibsaday" kacdoonkii shacabka. Raila wuxuu ku dooday inuu kaliya "ugu deeqay" khubaro dalka badbaadintiisa.
Aragtidiisa Afrika iyo Dibadda

Raila wuxuu ahaa pan-Africanist caan ah. Wuxuu si weyn uga soo horjeeday waxa uu ugu yeeri jiray “gumaysiga casriga ah”, wuxuuna xoojiyay midnimada Afrika iyadoo uu hormuud u ahaa horumarinta kaabeyaasha qaaradda isagoo ahaa Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Kaabayaasha (2018–2023).
Waxa uu sidoo kale dhexdhexaadiye ka ahaa xiisaddii Ivory Coast (2010–2011), inkasta oo dadaalkiisa lagu guuleysan.
Noloshiisa Gaarka ah
Waxa uu sidoo kale dhexdhexaadiye ka ahaa xiisaddii Ivory Coast (2010–2011), inkasta oo dadaalkiisa lagu guuleysan.
Noloshiisa Gaarka ah
Raila wuxuu dhashay 7-dii Janaayo 1945, degmada Maseno, Kisumu. Wuxuu wax ku bartay Jarmalkii Bari, halkaasoo uu ka qaatay master in Injineeriyada Makaanikada sanadkii 1970. Shan jeer ayuu xilka Madaxweynaha u tartamaya, mana ku guuleysan. Wuxuu siyaasadda galay 1992-dii, waana shaqsi kasoo jeeday qabiilka Luuwa.
GAROWE ONLINE
GAROWE ONLINE