Taliye Kenyaan ah oo yimid Soomaaliya kahor qorshaha bixitaanka

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Sarkaal sarre oo ka tirsan milatariga Kenya ayaa booqasho ku tegay gobolka Jubada Hoose koonfurta Soomaaliya. Walter Koipaton wuxuu kormeeray ciidankooda kamid ah howlgalka AMISOM.

Koipaton, oo haatan ah Taliye ka tirsan Ciidanka Kenya, ayaa indha-indheeyay xerooyin ku yaala magaalooyinka Bilis-qooqaani iyo Dhoobley. Ma cadda ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya socdaalkan aan lasii shaacin.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Walter Koipaton ayaa daah-furay mashruuc lagu keydinayo biyaha roobka oo laga dhex-hirgeliyey gudaha saldhig ay ciidanku ku leeyihiin magaaladda Buur-gaabo ee isla gobolkaas.

"Wuxuu xaqiijiyey doorka ciidamaddu ku leeyihiin nabada kusoo dabaalida Soomaaliya taasoo qeyb kamid ah la gaarey," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamadda difaaca waddanka Kenya.

Mas'uuliyiinta Jubaland ayaan wali wax war ah kasoo saarin socdaalka Koipaton oo ah sarkaalka saddexaad ee ugu awooda badan KDF-ta.

Bilooyin kahor ayay ahayd markii taliyaha guud ee ciidamadda Kenya, Roberto Kibochi, uu socdaal noocaan ah ku tegay degaanada Jubaland oo ay intooda badan ku sugan yihiin ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM.

Kormeerka Walter Koipaton ayaa imaanaya iyaddoo bilooyinka soo aadan qorshuhu yahay in la dhaqan-geliyo ka bixitaanka ciidanka Kenya ee AMISOM, arrintaas oo daba socota qorshaha kala guurka ee ammaanka.

Ciidamadda dalka Kenya ayaa u soo galay Soomaaliya in ay nabad-gelyadda waddankooda ka ilaaliyaan xoogaga Al-Shabaab. Tan iyo markii ay ku biireen AMISOM, waxaa soo gaarey waxyeelo nafeed iyo mid dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM