Tobanaan rayid ah oo lagu xasuuqay waddanka Niger

Image

NIAMEY, Niger - Dabley hubaysan ayaa dishay tobanaan rayid ah dhowr kalena way ku dhaawaceen weeraro ka dhacay laba tuulo oo ku yaal galbeedka Niger, oo u dhaw xadka dalka uu la wadaago Mali, sida uu sheegay mas'uul sare.

Wasiirka arrimaha gudaha Alkache Alhada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee DPA in weerarada ay ka dhaceen tuulooyinka Tchombangou iyo Zaroumdareye oo ka tirsan gobolka Mangaize maalintii Sabtida.

Ugu yaraan 56 qof oo rayid ah ayaa la dilay 20 kalena waa la dhaawacay, ayuu yidhi, isaga oo aan cayimin khasaaraha dhabta ah ee tuulo walba ka dhacay.

Lama shaacin cida ka masuulka ah weerarada balse waxaa lagu tuhunsan yahay maleyshiyaadka Islaamiga ah.

Weriye maxalli ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 50 qof lagu dilay magaalada Tchombangou, halka Reuters oo soo xiganaysa ilo amniga ay sheegtay in ugu yaraan 49 lagu dilay 17 kalena lagu dhaawacay isla tuulada.

30 kale ayaa lagu dilay Zaroumdareye, Reuters ayaa werisay, iyadoo soo xiganaysa il labaad oo amni.

Bishii Diseembar 21-keeda, toddobo askari oo ka tirsan ciidamada Niger ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay Tillaberi, halka 34 rayid lagu xasuuqay gobolka koonfur-bari ee Diffa kuna xadka Nigeria bishii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM