Tuniisiya oo ay ka dhaceyso doorasho la ogyahay cidda guuleysaneysa

Image
In ka badan 12 siyaasi ayaa rajaynayay in ay la loolamaan isaga, laakiin guddiga doorashada ayaa laalay.

TUNIS, Tunisia - Madaxweynaha Tuniisiya Kais Saciid oo ay u arkaan inuu yahay badbaadiye taageerayaashiisa, dadka dhaleeceeyana ay u arkaan inuu yahay kaligii-taliye, ayaa mar kale isu soo taagaya doorashada Axadda iyadoo la hubo in uu ku guuleysan doono.

In ka badan 12 siyaasi ayaa rajaynayay in ay la loolamaan isaga, laakiin guddiga doorashada ayaa ansixiyay laba magac oo dheeri ah oo kaliya oo loogu talagalay warqadda codbixinta.

Mid ka mid ah dadkaasi, Ayachi Zammel, ayaa lagu xukumay 12 sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay inuu been-abuuray dukumeenti shan maalmood uun ka hor doorashada.

Tuniisiya waxay ahayd halka kacdoonka Carabta, kacdoono isdaba joog ah oo ka dhan ah maamulayaasha Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, ay ka bilowdeen dabayaaqadii 2010. Dalkan ayaa loo arkayay inuu yahay iftiinka dimoqraadiyadda Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Eritrea oo ka cabsi qabto in Itoobiya xoog ku qabsato dekedda Assab [Casab]

Abiy Axmed ayaa yiri bishii hore: “Waxaan boqol jeer hubaa in Itoobiya aysan sii ahaan doonin dal bad la'aan ah.”

  • Afrika

    08-11-2025

  • 05:35AM

Midowga Afrika: Doorashadii Tanzania ma waafaqsana heerarka dimoqraadiyadda

Warbixintu waxay ku tilmaantay in doorashadu “aysan u hoggaansamin mabda’a AU, qaab-dhismeedyada caadiga ah.

  • Afrika

    06-11-2025

  • 06:38AM