Uganda oo diiwaan-gelisay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus

Image

KAMPALA, Uganda – Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa ku dhawaaqdey in dalkaas laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus.

Muwaadin ka yimid Dubai ayay xustey in uu la nool yahay caabuqaas. Shaqsigaas wuxuu Imaaraadka Carabta u aadey arrimo ganacsi.

Rakaabkii la socday diyaaraddii ruuxaas wadday ayay tilmaamtay in la marsiin doono baaritaano kale oo dheeraad ah.

Sidoo kale, waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in la hubin doono dhamaan rakaabkii la socday diyaaraddii uu markii hore raacay.

Intaas waxaa wehlisa in ay sheegtay in ay baareyso muwaadiniintii dalkaas ka baxay wixii ka dambeeyay taariikhda uu qofkaas safray.

Bukaanka laga helay cudurka ayaa Uganda ka baxay 17-kii Maaj, afar maalmood kadib, 21-ka isla bishaan ayuu ku laabtay waddankaas.

"Wasaaraddu waxay sidoo kale baadigoobeysaa dhamaan dadkii xiriirka la sameeyay [bukaanka]," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhanka kale, Eritrea iyo Angola ee isla qaarada Afrika ayaa isla maanta waxay ku dhawaaqeen kiisaskii ugu horeeyay ee COVID-19.

Uganda ayaa kamid ah wadamada ku yaala qaarada Afrika oo ay Soomaalidu ku badan tahay, kuwaas oo haatan walaac ay soo foodsaartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM