Uganda oo diyaarado nooca dagaalka ah u soo direysa Soomaaliya

Image

KAMPALA, Uganda – Milatariga Uganda ayaa Talaadadii wuxuu ku dhawaaqay in uu diyaarado nooca dagaalka ah u soo daabulayo Soomaaliya si ay u taageeraan howlgalada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

Richard Karemire, afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, ayaa tilmaamay in diyaaradahaan ay yihiin kuwa casri ah isla markaana ay bilooyinka soo aadan u soo dirayaan waddanka dhaca Geeska Afrika.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in uu carabaabo tiradooda ayaa rajo fiican ka muujiyey in talaabadan cusub ay dhabaha u xaarto in laga adkaado maleyshiyada Al-Shabaab, nabadna kusoo dabaasho wadanka.

Mr Karemire oo aan kala caddeyn hadii daabulitaankan ay qayb ka tahay mar-xalada kala guurka maadaama sanadka dambe ay dalka ka baxayaan ayaa qiray in ay wehlin doonan duuliyeyaal Yugaandhees ah.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku dhawaaqeyno in aan diyaarad dagaal u direyno Soomaaliya si ay u taageeraan howlgalada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika, kuwaas oo lagu xaqiijinayo xasiloonida dalka laguna dagaalamayo cadowga argagixisada," ayuu yiri.

Howlgalka AMISOM oo dalka ku sugan tan iyo 2007-dii ayaa ka kooban ciidamada dalalka; Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyoDjibouti, waxaana ay joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Uganda oo kamid ah wadamadii ugu horeeyay ee howlgalkaan lagu yagleelay waxay ku leedahay askar tiradoodu gaareyso lix kun.

AMISOM ayaa isku diyaarineysa in ay sugto ammaanka doorashooyinka loo qorsheeyay 2020-21, wallow aan wali laga heshiin nooca lagu galayo, waxaana hogaankoodu lagu eedeeyay in ay dowlada la safteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM