Uganda: Taliye hore oo 40 sano xarig loogu xukumay 44 dambi uu ku kacay

Image
Kwoyelo waa taliyihii ugu horreeyay ee ka tirsan jabhad si weyn looga qabo taasoo la aas-aasay sideetameeyadii.

KAMPALA, Uganda - Maxkamad ku taalla dalka Uganda ayaa 40 sano oo xarig ah ku xukuntay taliyihii hore ee Jabhadda Lord’s Resistance Army (LRA) ka dib markii la soo taagay maxkamad la xiriirta dambiyo dagaal.

Thomas Kwoyelo ayaa lagu helay 44 dacwadood oo ay ku jiraan dil, kufsi, afduub iyo tuugo.

Wuxuu diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay.

Kwoyelo waa taliyihii ugu horreeyay ee ka tirsan jabhadda laga cabsi qabo oo maxkamad ku taalla Uganda ay xukun ku riddo.

LRA oo la aas aasay dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa lagu eedeeyaa in ay xasuuq ka geysatay Uganda iyo wadamada deriska la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM