Wasiir lagu canaantay qoraal uu baraha bulshada soo dhigay

Image

JOHANNESBURG, South Africa – Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ku canaantay wasiirkiisa maaliyadda, Tito Mboweni, hadalo uu baraha bulshadda uga yiri xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Zambia.

Sabtidii, hogaamiyaha Zambia, Edgar Lungu, ayaa eryay gudoomiye Denny Kalyalya, isagoona ku bedelay Christopher Mphanza, wasiir ku xigeenkii maaliyadda, sidda lagu sheegay digreeto kasoo baxdey Madaxtooyada.

Mboweni oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa carabka ku dhuftay in uu bilaabi doono olole ka dhanka ah Zambia hadii aan tafaasiil dheeraad ah laga bixin sababta dhabta ah ee loo racdeeyay Kalyalya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Koonfur Afrika ayaa si adag waxaa lagu cambaareeyay dhawaqa kasoo yeeray Mboweni.

"Madaxweyne Cyril Pamaphosa wuxuu u xaqiijinayaa dowladda iyo shacabka Zambia hadaladaas nasiib-darada ah in aysan ku lifaaqneyn mowqifka Dowladda iyo shacabka Koonfur Afrika," ayaa lagu yiri qoraalka aadka u koobnaa.

Pamaphosa ayaa ku waaniyey Mboweni in uu ku koobnaa shaqadiisa isla markaana uusan mar dambe ku dhawaaqin talaabooyin noocaan oo kale ah.

"South Africa iyo Zambia waxay leeyihiin xiriir taariikhi ah marka dib loogu laabto taariikhyadii hore. Waxaan rajeynaynaa in uu cilaaqaadkeena sidiisa sii ahaado, labada dal ah saaxiibo sii ahaadaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Sikastaba, Kalyalya ayaa jagadan laga xayuubiyey loo dhiibay shan sano kahor, waxaana xil-heyntiisu qorshuhu ahaa in ay dhamaato sanadka 2023-ka. Sidoo kale, wuxuu horey u soo qabtay xilka madaxa fulinta Bangiga Dhexe ee Zambia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM