Wasiir Nigerian ah oo tusaale aan fiicneyn u soo qaatay Soomaaliya

Image

LAGOS, Nigeria – Wasiirka waajibadka gaarka ah ee Nigeria, George Akume, ayaa wuxuu ku biiray liiska siyaasiyiinta caalamka ee ajaniga ah isla markaana tusaalooyinka aanan wanaagsaneyn u soo qaatay Soomaaliya.

Isagoo Khamiistii ka hadlayey munaasabad, Akume, oo intii u dhaxeysay 1991-2007 ahaa gudoomiyaha ismaamulka bartamaha dalkaas dhaca ee Benue, ayaa ka digay in xaalada Nigeria lamid noqoto Soomaaliya.

"Nigeria kama daali karto midnimo iyo nabad maxaa yeelay hadii sharafta dhulkeena ay wiiqanto, Soomaaliya waxay noqon doontaa meel ay ciyaal ku dheeleen," ayay wakaaladda NAN kasoo xigatay.

Wakaaladda wararka News Agency of Nigeria waa tan rasmiga ah ee faafisa kuna hadasha afka Dowladda Federaalka ah ee Nigeria oo kamid ah dalalka ciidamadda booliska ku taageeray howlgalka AMISOM.

Akume, oo horey u soo noqdey Senator, ayaa madaxweynaha Nigeria, Mohammadu Buhari, wuxuu ku tartarsiiyey in uu wax ka qabto xaaladaha ka aloolsan dalkaas oo ammaanka ugu horeeyo.

Inkasta oo 1991-dii ka qarxay dagaal sokeeye oo sababay barakaca malaayiin iyo dhimashada boqolaal, Soomaaliya ayaa kasoo kabaneysa taariikhyadii mugdiga ahaa, wallow aysan wali gaarin halkii la rabay.

Nigeria iyo Soomaaliya oo ay ku badan yihiin bulshooyinka Muslimiinta ayaa ka siman in ay ka dagaalamaa jihaad-aloosyaal. Boko Haram iyo Al-Shabaab waxay beegsadaan ciidamadda iyo mas'uuliyiinta.

Sidda xusan warbixin kasoo baxday ACLED, weeraradda Al-Shabaab waxaa ka dhashay dhimasho shan kun, halka Boko Haram ay sababeen geerida dad tiradoodu kor u dhaafeyso shan kun oo ruux.

Ururadaan argagixisada ah ayaa gacansaar la leh shabakadda Al-Qaacida ee kasoo ifbaxday dalalka Suuriya iyo Ciraaq isla markaana uu aas-aasay Osama bin Laden, kaasoo 2011-kii uu duqeyn ku dilay Mareykanka.

Nigeria oo dhacda Galbeedka qaarada Afrika waa mid kamida wadamada tusaalooyinka loosoo qaato marka laga hadlayo dalalka shidaalka soo saaray, balse aysan dadka si siman uga faa'iidin, musuqmaasuq baahsan dartiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM