Siyaasiyiin lagu xiray Itoobiya kadib banaanbaxyo dhimasho sababay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Telefishinka ku hadla afka Oromada ee Oromia Media Network ayaa wariyey in la xiray Jawar Maxamed oo ah aas-aasaha Tv-gaas iyo siyaasi mucaarad ku ah ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Sidda ku xusan warbixinta, waxaa sidoo kale xabsi loo taxaabay Bekele Gerba oo wehliyey Jawar. Ciidamadda booliska federaalka ayaanna xiray. Ma cadda meesha lagu hayo iyo sababta dhabta ah ee loo beegsaday.

"Wariyeyaal ka tirsan shabakadda ayaa kamid ah dadka la xiray," ayay raacisay warbixinta oo daaha ka rogtay in xafiiska OMN ee magaala madaxda Addis Ababa ay la wareegeen ciidamadda bileyska.

Warka uu sii daayey telefishinka ayaa lagu sheegay in xariga uu ka dambeeyay markii ilaalada Jawar ay diideen hub ka dhigis ay ku amreen booliska. Ma jiro illo madax-banaan oo xaqiijinaya warkaas.

Xariga siyaasiyiinta ayaa kusoo hagaagaya xilli Itoobiya ay gilgileen mudaaharaadyo ka dhashay dilka fanaan caan ah. Haacaaluu Hundeessaa oo Oromo ah waxaa xalay lagu beegsaday Addis Ababa.

Dibad-baxyadda oo ka dhacay meelo ay caasimadda kamid ah ayaa ahaa kuwa rabshado watay. Internet-ka, korontada iyo isgaarsiinta ayaa la jaray, wallow qaybo kamida dalka dib loosoo celiyo, goor dambe.

Warar ayaa xusaya in ciidanka federaalka iyo kuwa booliska gobolka Oromada ay dhexmartay shaqaaqo kadib isku daygii koowaad ee xariga Jawar iyo Bekele oo fashilmay, balse kolkii dambe la kaxeeyay.

Dhanka kale, isku dhacyo gobolka Oromada ku dhexmaray ciidamada iyo shacab careysan ayaa lagu waramay in ay sababtay dhimashadda todoba ruux. Lama ogga qaabka ay ku geeriyoodeen dadkaas.

Xaaladda Itoobiya ayaa u muuqaneysa mid kasii dareysa, iyaddoo ay isa soo tarayaan baaqyadda ku saabsan in xukuumadda aysan si adag ula tacaalin, talaabadaas oo ah wax looga bartay madaxdii soo martay dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM