"Xasiloonida Soomaaliya waxay muhiim u tahay amniga Geeska Afrika"

Image

DJIBOUTI CITY, Jabuuti – Jabuuti waxay dooneysaa in ay xasiliso Soomaaliya maadaama xaalada wadanka ay saameyn ku leedahay ammaanka Geeska Afrika, sidda uu sheegay erygay dalkaas u qaabilsan Sacuudi Carabiya.

Ziauddin Saeed Bamakhrama oo u waramay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa xusay in dowladiisu ka go'an tahay sidii ay dib ugu soo celin lahayd doorkii ay Soomaaliya ku lahayd masraxa siyaasadeed ee mandiqadda.

"Yagleelida xasiloonida si lamid ah ammaanka Soomaaliya iyo xadiditaanka qulqulka qaxootiga waxay muhiim u tahay Geeska Afrika maadaama gobolka uu juquraafi ahaan, dhaqan ahaan, dad ahaan iyo dhaqaale ahaan uu isku xiran yahay," ayuu danjiraha ka dhawaajiyey Arbacada maanta ah.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa ah halista ugu weyn ee xasiloonida Soomaaliya. Jabuuti waxay kamid tahay dalalka ciidanka ku taageeray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo dagaalka ba'an kula jira maleeyshiyaadkaas.

Jabuuti ayaa bishii lasoo dhaafay ee June martigelisay shir dib loogu bilaabay wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaas oo natiijo horudhac ah oo kaas baxday lagu balamay is-aragyo kale.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Muqdisho.

Kadib burburkii 1991-dii, Jabuuti ayaa ku lug lahayd dhamaan geedi u socodkii dowlad dhisida Soomaaliya, iyaddoo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu hormuud ahaa "maadaama uu fahmayo xudunta is-mari-waaga raagay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM