Xayiraad lagu soo rogay madaxweyne ku xigeen oo la qaadey
JUBBA, South Sudan – Urur goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah u qaaday cunaqabateyntii dhanka safarka ee lagu soo rogay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar, intii uu socday dagaalka.
Go'aankan kasoo baxay shir-madaxeedka Jabuuti wuxuu ka dhigan yahay in Dr Machar uu xor u yahay inuu u safro mid walba oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka isla markaana xabsi guriga uusan kusii jiri doonin.
"[Golaha Hoggaamiyeyaasha Urur Goboleedka IGAD] waxay hoosta ka xarriiqeen in xilligan aysan jirin xayiraad dhinaca socdaalka ah noocey doonto ha ahaatee oo ay IGAD ku soo rogtay Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan, Dr Riek Machar Teny," ayay IGAD tiri kadib shirkii 38aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda ku yeesheen Jabuuti Axaddii.
Shirka ayaa loo qabtey in looga hadlo amniga gobolka iyo sidoo kale jawaabta laga bixinayo aafada Covid-19 oo inta la og-yahay ku dhacay in ka badan 290,000 oo qof ayna u geeriyoodeen 5,400 dhamaan dalalka ku midoobay IGAD.
Ururkan wuxuu ka kooban yahay Kenya, South Sudan, Sudan, Ethiopia, Uganda, Somalia iyo Djibouti. Ereteriya ayaa iskeed isu casishay in ka badan toban sano ka hor laakiin guud ahaan waxaa lagu tiriyaa inay xubin ka tahay ururka.
Ururka ayaa sidoo kale sheegay in hogaamiyaasha South Sudan ay sameeyeen "horumar lagu amaano" kadib markii ay dhiseen dowlad midnimo qaran bishii Febraayo ee la soo dhaafay, ka dib markii la saxiixay heshiis dib loo soo nooleeyay oo ku saabsan xalinta Colaada Jamhuuriyada South Sudan (R-ARCSS) ee Itoobiya, bishii Sebtember 2018.
“[Goluhu] wuxuu aqoonsaday oo bogaadiyay horumarka laga sameeyay dhismaha dowlad-goboleedyada iyo qaab dhismeedka dowladda hoose, gaar ahaan magacaabidda sagaal ka mid ah 10-ka guddoomiye gobol, iyo sidoo kale heshiiska ku saabsan qoondaynta jagooyinka heer gobol iyo heer degmo; waxayna ku baaqeen in si dhaqso leh loo soo gabagabeeyo magacaabista hartey," ayaa la raaciyey war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.
R-ARCSS waxaa saxiixay Madaxweyne Salva Kiir, Dr Machar iyo kooxo kale oo mucaarad ah oo kala duwan. Bishii Febraayo, waxay aas-aaseen dowlad midnimo.
Laakiin Machar, oo ka soo qaxay Koonfurta Suudaan bishii Juun 2016 ka dib markii uu burburay qayb ka mid ah heshiiskii nabadda, ayaa laga horjoogsaday inuu u safro dalalka xubnaha ka ah IGAD. Wuxuu u baahnaa inuu rukhsad gaar ah oo uu ka helo ururka si uu ugu safro wadaxaajoodka Suudaan iyo Itoobiya.
Machar wuxuu xabsi guri ku ahaa Koonfur Afrika, markii dambana wuxuu ku maqnaa caasimada Suudaan ee Khartuum. Saxiixa heshiiska nabada ka dib, saraakiisha IGAD waxay sheegeen in xayiraadihii laga qaaday, laakiin aysan si rasmi ah u sameynin.
Bishii Febraayo, Ismaaciil Wacays, Ergeyga Gaarka ah ee IGAD, wuxuu tibaaxay in Dr Machar uusan hadda ku jirin wax xayiraad ah oo xabsi guri ah isla markaana uusan u baahnayn ogolaansho gaar ah inuu ugu safro gobolka.
“Hadda waa madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan, wax kasta oo jiray ka hor. Dr Riek Machar hada waa hogaamiyaha wadankan sidaa darteedna uma baahna ogolaansho dheeri ah…Hada wuxuu si buuxda ugu raaxeysan karaa xuquuqdiisa iyo xorriyadiisa," diblomaasigan reer Jabuuti ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Juba bishii Febraayo, toddobaad kadib markii la dhisay dowladda midnimada.
James Oryema, oo ah kaaliyaha Machar oo wargayska The East African u waramay Isniintii, ayaa yiri: "Xaqiijintaani waa mid soo dhaweyn mudan waxayna qof walba u xaqiijineysaa in Dr Machar safri karo".
"Ma jirin xiriir rasmi ah oo ka soo baxay IGAD si looga qaado xayiraadahaas. Kaliya hadal ayay jeedinayeen," ayuu hadalkiisa ku daray.
Shirkii Igad, South Sudan waxaa u matashay Rebecca Nyandeng, oo ka mid ah shanta madaxweyne ku xigeen ee ka jirta waddankaas ay colaaduhu la dageen isla markaana sanadihii dambe ay ka jirtay dhibaatooyin bini'aadanimo.
GAROWE ONLINE