Xemedti: Ganacsade Geel oo Noqday Dagaal-Oogaha Maamula kala bar Sudan
Muqdisho – Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaan “Xemedti”, ayaa maanta noqday shaqsi awood weyn ku leh masraxa siyaasadeed ee Suudaan, iyadoo ciidamadiisa milatari ee Rapid Support Forces (RSF) ay hadda gacanta ku hayaan kala bar dalka.
RSF waxay dhawaan guul muhiim ah ka gaartay magaalada El-Fasher, oo ahayd saldhigii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo xulafadooda maxalliga ah ee gobolka galbeed ee Darfur.
Xemedti, oo ay ka cabsadaan cadowgiisa balse ay taageerayaashiisu ku ammaanaan adkaysigiisa iyo naxariis la’aantiisa, ayaa lagu tilmaamaa nin doonaya in uu burburiyo nidaamkii dawladeed ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada.
Xemedti wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa qabiilka Rizeigat ee ku nool xuduudda u dhaxaysa Chad iyo Darfur, gaar ahaan laanta Mahariya, oo dhaqaalahoodu ku tiirsanaa dhaqashada geela. Wuxuu dhashay qiyaastii 1974 ama 1975, waxaana la sheegay inuu dugsiga ka baxay isagoo dhallinyaro ah si uu u ganacsado, isaga oo geel ku kala iibin jiray saxaraha u dhexeeya Liibiya iyo Masar.
Markaas Darfur waxay ahayd gobol sabool ah oo ay dawladda Suudaan ee madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir dayacday. Xilligaas ayaa jabhadaha Carabta ee loo yaqaan Janjaweed — oo uu hoggaaminayay adeerkiis Juma Dagalo — bilaabeen weerarro ay ku qaadaan tuulooyinka qoomiyadda Fur, taasoo dhalisay dagaal sokeeye ballaaran sanadkii 2003.
Bashiir ayaa ballaariyay ciidamadii Janjaweed si ay uga hortagaan kacdoonka, balse waxay caan ku noqdeen xasuuqyo, kufsi iyo gubis tuulooyin. Xemedti iyo ciidankiisii ayaa lagu eedeeyay inay 2004 ku dileen 126 qof tuulada Adwa, oo ay ku jireen 36 carruur ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Dagaalkii Darfur ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), taasoo dacwad ku soo oogtay madaxweynihii hore Bashiir iyo rag kale oo sare, inkastoo Xemedti waqtigaas uu ka mid ahaa saraakiisha aan la maxkamadeyn.
Kadib, Xemedti wuxuu si xeel dheer u dhistay awooddiisa, isagoo hoggaamiye ka noqday ciidan hubeysan, shirkado ganacsi iyo nidaam siyaasad ah. Wuxuu si toos ah u maamulaa shirkadda qoyska ee Al-Gunaid, taas oo noqotay dhoofiyaha dahabka ugu weyn ee Suudaan, gaar ahaan laga soo saaro goobta Jebel Amir ee Darfur.
Sanadkii 2013, Xemedti wuxuu noqday taliyaha rasmiga ah ee RSF, ciidan si toos ah ugu xiran madaxweynihii hore Bashiir.
Xemedti sidoo kale wuxuu xiriir dhow la yeeshay Kooxda Wagner ee Ruushka, isaga oo tababar milatari ku beddelay heshiisyo ganacsi oo ku saabsan dahabka.
Markii kacdoonkii shacabka ee 2019 uu gilgilay caasimadda Khartoum, Bashiir ayaa amray RSF inay xakameeyaan mudaharaadyada. Hase yeeshee, Xemedti iyo saraakiil kale oo sare ayaa ka hor yimid amarka, waxayna si wadajir ah u rideen Bashiir – dhacdo si weyn u beddeshay taariikhda Suudaan.
GAROWE ONLINE