Itoobiya: Xisbiga haya taladda DDSI oo gudoomiye cusub loo doortey

Image

JIGJIGA - Axmed Shide, oo ah wasiirka Isgaarsiinta ee dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.

Magacabista Axmed Shide aya ka dambeysay markii wadahadallo guuleystay uu ku dhex-maray magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, dhinacyadda ku lugta leh siyaasadda DDSI.

Sida ay sheegayaan wararka, Shide ayaa waxaa uu xilkaan sii hayn doonaa inta laga gaarayo doorashadda guud ee Xisibiga, iyo inta ay ka dageyso xiisadda siyaasadeed ee gobolka ka jirta.

Cabdi Maxamuud Cumar, oo iska casilay Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa in muddo talada xisbigaan xilka Gudoomiyaha hayey taasoo sharciga u yaaley khilaafsan.  

Guddoomiye ku xigeenka ayaa noqon jirey Madaxweynaha maamulka halka gudoomiyaha ku xigeenka xisbiga ka yimaado qabaa’ilada kale ee daga gobolada Soomaalida Itoobiya.

Axmad Shide ayaa ka yimid Beel la yiraahdo Gurre ee la dagta beesha Ogaadeenka.

”Talaabadaan ayaa aheyd waxaa loo yaqaan Win Win Situation iyadoo dowlada Itoobiya ku darsatey talada xisbiga iyo maamulka Wasiir ka tirsan dowlada Federaalka ah, halka dowladii Cabdi Ileey ka tagey sideeda u dhisnaaneyso,) sidaas waxaa GO u sheegey qof xogogaal u ah shirarka ka socdey Addis Ababa.

Wadaxaajoodka ka dhacay Addis Ababa ayaa waxay wararku intaas ku darayaan in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ee Abiy Axmed uu xaadir ku ahaa.

Ra’isal wasaraha Itoobiya ayaa hadal kooban uu saxaafada siiyey maalintii shalay waxaa uu ku sheegey in xalaada maamulka Soomaalida Nabad lagu dhameyn doono halka  dadka ugu baaqey iney is-dajiyaan.

Isbedalka ku yimid hogaanka Xisbiga haya taladda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa imaanaya iyada oo maanta maanta oo Axad ah Jabhadda ONLF shaacisay Xabad-joojin hal dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM