Chatham House: Loollanka quwadaha shisheeye oo Soomaaliya u horseedi kara dagaal daba dheeraada

Image

GAROOWE — Machadka caalamiga ah ee daraasaadka siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Chatham House, oo xaruntiisu tahay magaalada London, ayaa warbixin falanqayn ah oo uu daabacay kaga digay in loollanka sii xoogaysanaya ee quwadaha shisheeye uu Soomaaliya u horseedi karo dagaal sokeeye oo daba dheeraada, kaas oo ka sii murugsan colaadaha siyaasadeed ee dalka hore uga dhacay.

Warbixinta Chatham House ayaa tilmaamaysa in khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ka soo horjeeda siyaasaddeeda uusan hadda ku koobnayn muranka dastuurka iyo doorashooyinka, balse uu ku dhex milmay tartanka istaraatiijiyadeed ee ka socda Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Machadku wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, oo uu ku tilmaamay labada dal ee shisheeye ee saamaynta ugu weyn ku leh khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Muranka muddo-xileedka oo isu beddelay iska horimaad hubaysan

Sida Chatham House ku sheegay falanqayntiisa, Soomaaliya waxay gashay marxalad cusub oo khilaaf siyaasadeed ah bishii May 2026, markii uu dhammaaday muddo-xileedkii afarta sano ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bishii Maarso 2026, Baarlamaanka Federaalka ayaa ansixiyey wax-ka-beddel dastuur oo muddo-xileedka madaxweynaha ka dhigay shan sano, taas oo Xasan Sheekh u saamaxaysa inuu xilka sii hayo ilaa May 2027.

Hase yeeshee, isbeddelkaas waxaa si adag uga horyimid isbahaysiga mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxda Puntland iyo Jubaland, siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Mucaaradku wuxuu sidoo kale diiday go’aankii Guddiga Doorashooyinka ee si madax-bannaan loogu shaaciyey in doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada la qabanayo bilaha Abriil iyo May 2027.

Khilaafkan ayaa sababay iska horimaadyo hubaysan oo ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo. Dagaalladii ugu dambeeyey ee agagaarka Baydhabo, oo dhexmaray ciidamada dowladda federaalka iyo xoogag taageersan Laftagareen, ayaa sida warbixintu sheegtay waxaa ka qayb galay kumannaan dagaalyahan, iyadoo la adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn iyo diyaarado dagaal.

Chatham House wuxuu xusay in Soomaaliya ay sannadkii 2021 soo martay khilaaf dastuur oo sababay dagaallo, balse xaaladda hadda jirta ay ka khatar badan tahay tii hore, maadaama muranku si toos ah u taabanayo awood-qaybsiga nidaamka federaalka.

Turkiga iyo Imaaraadka: Laba quwadood oo ku kala aragti duwan Soomaaliya

Mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee falanqaynta Chatham House waa doorka ay Turkiga iyo Imaaraadka Carabtu ku leeyihiin siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

Turkiga ayaa muddo ka badan toban sano xiriir dhow la lahaa dowladda federaalka, isagoo markii hore xoogga saaray gargaarka bani’aadannimada, horumarinta iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.

Tan iyo 2017, Ankara waxay Soomaaliya ku leedahay xarun tababar militari oo lagu tababaro ciidamada xoogga dalka.

Xiriirka labada dhinac ayaa sii xoogaystay sannadkii 2024, markii Turkiga iyo maamulka Xasan Sheekh ay kala saxiixdeen heshiisyo istaraatiijiyadeed oo la xiriira difaaca, dhaqaalaha iyo iskaashiga badda.

Hase yeeshee, Chatham House wuxuu sheegay in xiriirkaas uu dhaliyey su’aalo ku saabsan dhexdhexaadnimada Turkiga, gaar ahaan xilli dowladda federaalka iyo mucaaradku isku hayaan sharciyadda muddo-kordhinta.

Turkiga ayaa diiday eedeymaha faragelinta siyaasadeed, isagoo ku adkaystay in taageeradiisu ku salaysan tahay xiriirka uu la leeyahay hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay warar sheegaya in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay ka qayb qaateen dagaalladii ka dhacay agagaarka Baydhabo.

Chatham House wuxuu caddeeyey in Ankara aysan xaqiijin wararkaas, balse haddii ay dhab noqdaan ay ka dhigan tahay faragelin militari oo toos ah oo ka dhan ah xoogag mucaarad siyaasadeed ah.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa xiriir siyaasadeed, amni iyo dhaqaale la leh Puntland, Jubaland iyo Somaliland, isagoo dano waaweyn ku leh dekedaha iyo marinnada ganacsiga ee gobolka.

Bishii Janaayo 2026, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay baabi’isay heshiisyadii difaaca iyo amniga ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo ku eedaysay inuu faragelin ku hayo madaxbannaanida Soomaaliya.

Puntland, Jubaland iyo Somaliland ayaa ka horyimid go’aankaas, iyagoo sii waday xiriirkooda Abu Dhabi.

Sida falanqayntu tilmaamayso, ilaalinta xiriirka uu Imaaraadku la leeyahay maamulladan waxay muhiim u tahay istaraatiijiyaddiisa Geeska Afrika, balse xiriirkaas ayaa sidoo kale qayb ka noqon kara sii xoogaysiga kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya oo ku dhex jirta loollanka Geeska Afrika iyo Badda Cas

Chatham House wuxuu xaaladda Soomaaliya ku xiriiriyey isbeddellada waaweyn ee siyaasadeed iyo militari ee ka socda gobolka.

Warbixintu waxay tilmaantay in laba isbahaysi oo aan rasmi ahayn, isla markaana isbeddeli kara, ay ka soo muuqdeen Geeska Afrika.

Dhinac waxaa si guud la isugu arkaa Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga, kuwaas oo xiriir dhow la leh Eritrea iyo ciidamada qalabka sida ee Suudaan.

Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil ayaa loo arkaa inay xiriir istaraatiijiyadeed oo dhow la leeyihiin Itoobiya.

Loollankan ayaa sii kordhiyey muhiimadda Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego xeebaha dheer ee dalka, dekedaha, marinnada ganacsiga iyo goobaha istaraatiijiyadeed ee ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Sida Chatham House sheegay, dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku haya ayaa bilaabay inay xiriirrada dibadda u adeegsadaan xoojinta awooddooda gudaha.

Dekedaha, maalgashiga, marinnada gaadiidka, heshiisyada dhaqaale iyo saldhigyada militari ayaa noqday arrimo ay quwadaha shisheeye danaynayaan, isla markaana ay siyaasiyiinta gudaha u adeegsan karaan helitaanka taageero dibadeed.

Tani waxay abuuri kartaa xaalad ay khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya ku sii xoogaystaan tartanka danaha shisheeye.

Federaalka Soomaaliya oo wajahaya imtixaan adag

Falanqaynta Chatham House waxay si gaar ah diiradda u saartay mustaqbalka nidaamka federaalka.

Mucaaradka ayaa ku eedaynaya maamulka Xasan Sheekh inuu doonayo inuu awoodda siyaasadeed iyo tan dastuuriga ah ku ururiyo Muqdisho, taas oo ay u arkaan inay dhaawacayso awoodaha dowlad-goboleedyada.

Warbixintu waxay sheegtay in Puntland iyo Somaliland ay sameeyeen isu-soo-dhowaansho siyaasadeed oo ka dhashay dhismaha maamulka Waqooyi Bari sannadkii 2025, kaas oo taageero ka helaya dowladda federaalka.

Chatham House wuxuu arrintan u arkayaa tusaale muujinaya sida isbeddellada siyaasadeed ee gudaha ay u dhalinayaan isbahaysiyo cusub oo gobolka ah.

Machadku wuxuu xusay in muddo ka badan soddon sano aysan jirin hal maamul, beel ama awood siyaasadeed oo awood u yeelatay inay Soomaaliya oo dhan si buuxda u maamusho.

Sidaas darteed, isku day kasta oo lagu beddelayo dheelitirka awoodaha iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay wuxuu keeni karaa iska horimaadyo cusub.

Al-Shabaab iyo Daacish oo ka faa’iidaysan kara khilaafka

Digniin kale oo muhiim ah oo ku jirta warbixinta ayaa la xiriirta khatarta kooxaha argagixisada.

Chatham House wuxuu sheegay in marka ay dagaallo siyaasadeed ka dhex qarxaan dowladda iyo mucaaradka ay inta badan hoos u dhacaan hawlgallada amni ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xaaladdaas waxay kooxahaasi siin kartaa fursad ay dib ugu abaabulaan dagaalyahannadooda, ku ballaariyaan goobaha ay ka hawlgalaan, kuna xoojiyaan awooddooda militari.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay warar ku saabsan xiriir sii kordhaya oo u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab, taas oo sii muujinaysa isku xirnaanta khataraha amni ee Soomaaliya iyo kuwa Badda Cas.

Machadku wuxuu ka digay in dagaal siyaasadeed oo daba dheeraada uu Soomaaliya gelin karo xaalad ay isku mar ka socdaan colaado u dhexeeya dhinacyada siyaasadda iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Maxaa Soomaaliya ka badbaadin kara dagaal daba dheeraada?

Chatham House wuxuu ku soo gabagabeeyey falanqayntiisa in xalka ugu muhiimsan uu yahay in dhinacyada Soomaalidu gaaraan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, ka hor inta aysan colaadaha hadda jira sii ballaaran.

Machadku wuxuu ku baaqay in quwadaha shisheeye ee xiriirka la leh dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay ka shaqeeyaan dejinta xiisadaha, halkii ay sii xoojin lahaayeen kala qaybsanaanta.

Waxaa sidoo kale muhiim ah, sida warbixintu sheegtay, in Midowga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD ay door muuqda ka qaataan dadaallada dhexdhexaadinta.

Heshiiska loo baahan yahay waa inuu wax ka qabtaa muranka wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, habka loo maamulayo dalka inta laga gaarayo doorashooyin la isla oggol yahay iyo jadwal doorasho oo macquul ah.

Digniinta ugu weyn ee Chatham House ayaa ah in Soomaaliya ay halis ugu jirto in khilaafkeeda siyaasadeed uu isu beddelo dagaal daba dheeraada oo ay quwadaha shisheeye sii huriyaan.

Warbixintu waxay muujinaysaa in khatarta Soomaaliya aysan maanta ka imanayn oo keliya kala aragti duwanaanta siyaasiyiinteeda, balse ay sii weynaynayaan danaha istaraatiijiyadeed ee dalalka ku tartamaya saamaynta Geeska Afrika.

Haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo gudaha ah iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xakameeyo faragelinta dibadda, Soomaaliya waxay wajihi kartaa marxalad cusub oo colaadeed oo waxyeello weyn u geysan karta dowladnimada, amniga iyo mustaqbalka nidaamka federaalka.

Xigasho: Chatham House — Foreign rivalries risk turning Somalia’s political crisis into a protracted war.

Warbixintan waxaa laga diyaariyey falanqayn ay sameysay Chatham House, waxaana tarjumey Warsidaha Garowe Online

Related Articles

Colaadda Koonfur Galbeed: Khatar sii fidaysa iyo mas’uuliyadda siyaasadeed ee Madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Waxa hadda ka dhacaya Baydhabo waxay soo celinayaan xusuusta dhacdooyinkii 1995-kii…

  • Faalada Warka

    19-08-2026

  • 02:41AM

Faallo: Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa dowladnimo oo ku kooban deegaanno gaar ah

Sida falanqeeyaasha siyaasadu qabaan, nidaamka doorashada ee kooxdu doonayso…

  • Faalada Warka

    17-08-2026

  • 07:41PM