Waxaan ka baraney wacdaraha Ciyaartoy Maxamad Maxamuud

Image

Wiilkani waa Maxamed Maxamuud oo ku dhashay Gobolka Beri, Dawlad Deegaanka Puntland ee Soomaaliya. Kadib markuu fursad ka helay in uu ciyaartoy ka noqon karo naadiga Galmudug, isagoo dabagaly riyadiisii shaqsiyeed. 

Maxamed waxa uu noqday wiil dhalinyaro ah oo qoys ahaan ka soo jeeda Puntland, gobol ahaana guul u soo hooyey Galmudug, astaana u noqday is-dhexgalka iyo fursad-raadinta dhilinta Soomaaliyeed.

Sadexdan astoomood ee Maxamed ku sifoobay (mar waa will Puntland ku dhashay, marna waa will Galmudug guul u soo hooyey, iyo marka sadexaad isaga oo noqday shaqsi dabagalay riyadiisii Soomaaliyeed ooy Galmudug gaysay) waxay tusaale u tahay in nidaamka federaalka Soomaaliya aanu shacabka Soomaaliyeed kala qoqobeyn. Waxa arintani ina tustay in aanu dadku fadaraaloobin ee maamulka uuni fadaraaloobay

Maxamed in uu Galmudug u safto waxa ka hortaaganaa majirin. Fasax dawladeed ama warqad meel xafiisa ah looga qoray ma jirn. Kaliya waxa uu u bahnaa in horjoogaha naadiga Galmudug ku nasiibsado kartida Maxamed. Mar hadii larkay in uu sifiican u ciyaari karo, fursad ayaa loo abuuray Maxamed. Lama odhan yaa tahay ama meel kale ayaad ka soo jeedaa ee fasax soo qaado.

Arintani waxay daliil u tahay in shaqsiga Soomaaligu aanu cidna fasax uga baahnayn meesha uu dagayo ama rajo nololeedkiisa, xirfad ciyaareed, iyo meesha uu riyadiisa ka raadsanayo.  Maxamed xirfadiisii gobol kale oo Soomaaliyeed ayuu la tagay, waanu ku najaxay. Sanadkii 2014 mar aan ka doodney nidaamka federaalka, waxaan ku adkaystay shaqsi [Faysal] ahaan, wax ii diidaya ma jiro in aan Muqdisho dago oon ku najaxo. Hadaba qofka Soomaaliga ahi federal ma noqon ee nidaamka maamulka ayaa federal noqday. 

Arinkaasi ayaan si fiican weli loo fahmin.

Cida is afgran la’ ama isriixriixda waa mukhalisiinta nidaamka 4.5. Sababtuna waxay tayay in kuraasta siyaasada lagu raadsado nidaamkan khariban ee 4.5. Qisadan Maxamed waxaan ka baranaynaa in umada Soomaaliyeed wax kala qoqobayaa aanu jirin, laakiin dhibtu ka taagantahay siyaasiyiinta.

Maxamed waxaan leeyahay mabruuk. Aritani waxay sheeko wadaag u noqon doontaa madaxda usbuucan ku shireysa Garowe. Waxan u mahad celinayaa Maxamed Yare, naadiga Galmudug, Horjoogaha naadiga Galmudug, iyo intii Maxamed gacan qabatay si fursadan mucjisada noqotay inna tuso.

Related Articles

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo looga digay "khiyaano qaran"

Dhambaalkan ayaa imaanaya kahor wadahadalka la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga.

  • Fikradaha

    11-08-2024

  • 07:20AM

Xasan Khayre: Madaxweynaha waa inuu raaligeliyo dhalinta

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadalkii Xasan Sheekh ku weeraray dhalinyrada.

  • Fikradaha

    10-08-2024

  • 12:26PM