Isbarbardhig lagu sameeyay qiimaha agabka ay isku dhoofiyaan Soomaaliya iyo Masar

Image
Labada dal ayaa muujiyay isku dhowaanshiyo iyadda oo Itoobiya ay u muuqato mid geeska la geliyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa Arbacadii kala saxiixday heshiis dhanka difaaca ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Heshiiskan ayaa la saxiixay kadib wadahadallo laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi iyo dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho labo maalmood ah ku tegay Qaahira.

Soomaaliya ayaa sheegtay in uu yahay “heshiis difaac oo muhiim ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga amniga ee labada dal ee walaalaha ah”.

Afhayeenka Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne El-Sisi uu caddeeyey mowqifka Masar ee taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ee dhulkeeda, isla markaana ay diidayso faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.

Labada madaxweyne ayaa soo dhoweeyay tillaabooyinka labada dal ay ku xoojinayaan iskaashiga laba geesoodka ah, oo ay ka mid tahay in la bilaabo duulimaad toos ah oo u dhaxeeya Qaahira iyo Muqdisho, furitaanka safaaradda Masar ee caasimadda Soomaaliya, marka laga soo tago saxiixii bishii Janaayo ee la soo dhaafay hab-maamuuska iskaashiga ciidamada.

Qiimaha alaabta Masar ay u dhoofiso Soomaaliya ayaa kor u kacday 11-kii bilood ee ugu horeeyay 2023-kii, waxaana uu gaaray 54-milyan oo dollar, halka 2022-kii uu ka ahaa $42.3 milyan.

Sidoo kale, waa kor u kac 27.7%,iyadoo qiimihii agabka Soomaaliya ee loo dhoofiyo Masar uu marayo 2.2 milyan oo dollar, sida uu sheegay. Hay'adda Dhexe ee Masar ee Abaabulka iyo Tirakoobka Dadweynaha (CAPMAS).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbaahin madax-banaan: Jidka Xasilloonida iyo Horumarka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, joogtaynta saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya waxay ku xiran tahay dhowr arrimood.

  • Faalada Warka

    13-09-2024

  • 12:21PM

Soomaaliya ma isku dheelatiri kartaa danaha Turkiga iyo Masar?

Labadan dal ayaa dano istaraatiijiyadeed kawada leh Soomaaliya xilli ay xiisad kala dhaxeyso Itoobiya.

  • Faalada Warka

    07-09-2024

  • 12:18PM