Khaladaadkii uu shalay Xasan ka qaylinayay uu maanta geysanayo

Image
Warsidaha Garowe Online ayaa soo koobaya afar qalad uu madaxweynaha horey u diidey balse uu hadda geysanayo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo ifbaxaysa inuu ku kacayo dhamaan falalkii uu ka didsanaa maalmihiisii mucaaradnimada mudadii u dhaxeysay 2017 illaa 2022.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa waxa uu soo koobaya dhacdooyinka uu Xasan Sheekh horey uga gadoodsanaa balse waqti-xaadirkan oo uu xukunka hayo ku kacayo isaga oo iska-indhatiraya xasuusihiisii shalay u yaallay.

Baalmarida xeerarka iyo Dastuurka

Ku tumashada dastuurka iyo baalmarida sharciga ayuu maalmihii uu mucaaradka ahaa u aqoonsanaa diilin gaduudan oo lama dhaafaan ah. Hase ahaatee, haatan waxaa walba walba muhiimsan sidii uu xukunka kusii haysan lahaa.

Iska-indha-tirka mucaaradka 

Madaxwayne Xasan Sheekh markii uu dibad-joogga ahaa wuxuu aaminsanaa in mucaaradka ay xaq u leeyihiin in laga talogeliyo go’aanada masiiriga ah. Balse hadda uu talada hayo wuu iska diidey.

Xayiraadda safarka Xildhibaano

Dastuur-jebin iyo ku tumasho xuquuqda muwaadinka ayuu u arkayay markii uusan ahayn mas’uulka dalka ugu sareeya. Haatan waa mid kamid xeeladaha u uku aamusiyo codadka kasoo horjeeda.

Adeegsiga dacaayad iyo sumcad-dil

Xoolaha dadweynaha oo loo adeegsado in lagu aamusiyo, lagu dacaayadeedyo ama lagu sumcad-dilo mucaaradka ayuu u arkayay dambi weyn. Laakiin haatan wuxuu abaalmariyaa dadka sidaas sameeya.

Sikastaba ha ahaatee, mar haddii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u sameynayo khaladaadkii uu shalay ka qaylo-dhaaminayay, ma munaafaqnimo mise daruufaha ku xeeran ayaan ka awood badinaya haatan?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhaan Omar Waa Inay Joojisaa Dagaalka Afka ah ee Ay La Waddo Donald Trump

Muddooyinkii u dambeeyay, muranka labada dhinac ayaa ka baxay xayndaabkii doodaha…

  • Faalada Warka

    28-11-2025

  • 04:34PM

Golaha Samatabixinta Qaranka waa inuu masiirka dalka ku iibin miiska wadahadalka

Kulanka ayaa imaanaya xilli dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo…

  • Faalada Warka

    10-08-2025

  • 03:18AM