Muxuu isbaheysiga 2024 uga duwan yahay xulafadii 2018?

Image
Masar iyo Eritrea ayaanan wax joogitaan ciidan ah ku lahayn gudaha Soomaaliya halka Itoobiya ay ciidamo badan ka joogaa gudaha waddanka.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Asmara, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweyne Isaias Afwerki, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel.

Madaxweyne el-Sisi oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Qaranka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Asmara ku soo dhoweeyay Madaxweyne Isaias.

Yemane wuxuu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadli doonaan siyaabaha loo "xoojin karo xiriirka laba geesoodka ah" iyo "arrimaha kale ee danaha labada dhinac".

Booqashada El-Sisi ayaa daba socota booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay ku tagay magaalada Asmara, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay madaxweyne Isaias, iyagoo diiradda saarayay “arrimaha labada dal, gobolka iyo kuwa caalamiga ah,” isagoo si gaar ah diiradda u saaray madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wada-hadalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda Geeska Afrika, ka dib markii 1-dii January heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in Itoobiya hesho marin badeed si ay u hesho aqoonsato Somaliland.

Arrinta sii murjisay, ayaa Masar waxay dhawaan u soo dirtay Soomaaliya shixnad ciidan oo labaad oo ay ka mid yihiin qoryaha daran dooriga u dhaca iyo kuwa gaashaaman. Gaarsiintan, oo qayb ka ah heshiiska difaaca ee ay Masar iyo Soomaaliya kala saxeexdeen Agoosto 2024, waxay walaac ku abuurtay Itoobiya iyo Somaliland.

Dhanka kale, waxaa dhacay shir madaxeed saddex geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi, iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa arrimaha “amniga iyo xasiloonida gobolka” waxaana lagu sahmin doonaa “xoojinta xiriirka” ka dhexeeya saddexda dal.

Wadaxajoodyadan ayaa dad badan waxay soo xasuusiyeen ishabeysigii Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea wallow markii dambe uu burburay maadaama Itoobiya ay dagaal gashay halka Soomaaliya isbedel ka dhacay.

Sikastaba ha ahaatee, su'aasha is waydiinaa mudan ayaa ah muxuu isbaheysigii 2018 uga duwan yahay isbaheysigan 2024 lagu aas-aasay magaaladda Asmara?

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku haya aqoonsiga Somaliland. Masar iyo Itoobiya waxay isku haa yaan wajiga Nile. Eritrea iyo Itoobiya waxay isku hayaan masiirka gobolka Tigray.

Masar iyo Eritrea ayaanan wax joogitaan ciidan ah ku lahayn gudaha Soomaaliya halka Itoobiya ay ciidamo badan ka joogaa gudaha waddanka taas oo sarre u qaadeysa saameynteeda iyo in ay uga galaan-gal badan tahay.

Hadaba iyadda oo meeshaa aan laga saarey the xadgudubka Itoobiya ee arrimaha Soomaaliya, isbaheysiga cusub Soomaaliya maka badbaadin kara dagaal lasoo xawilay mase u daafici karaa baddeeda?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mashruuca Xasan Sheekh: Qof iyo Cod mise Qof iyo Muddo Kororsi?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey uga dagaalamay hirgelinta doorashooyin dadwayne.

  • Faalada Warka

    04-10-2024

  • 09:07AM

Labada qorshe Villa Soomaaliya isku-dayeyso in ay ku qanciso maamulada

Garowe Online ayaa fahansan in dowlad goboleedyada ay ka cagajiidayaan qorsheyaashan.

  • Faalada Warka

    02-10-2024

  • 07:24AM