Villa Soomaaliya oo la gaarsiiyey digniino la xiriira heshiiskii Asmara

Image
Digniintan ayaa sababtay in Soomaaliya ay dib uga dagto dhaqan-gelinta qeyb kamid ah is-fahamkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khilaafkii ugu horreeya - ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar - ayaa ku saabsanaa dhismaha biyo-xidheenka $ 4 bilyan ku fadhiya ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Blue Nile, oo ah xuddunta muhiimka ah ee webiga Niil.

Masar waxa ay ka cabsi qabtaa in biyo-xireenka uu saamayn xun ku yeesho biyaha iyo waraabka biyaha ee Masar haddii aanay Itoobiya tixgelin baahideeda. Itoobiya ayaa qorshaynaysa in ay biyo xidheenka ka dhaliso koronto aad loogu baahan yahay.

Muranka labaad - ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya - wuxuu ku saabsan yahay maamul-goboleedka Soomaaliya ee Somaliland kaasoo Itoobiya ay la gashay heshiis ay ku raadineyso marin-badeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay heshiiskaas ku tilmaamtey mid xadgudub ku ah madax-banaanida iyo qaranimada waddanka waxayna tibaaxdey in Itoobiya haddii ay ka noqon weyso heshiiskaas ay ciidamadeeda dalka ka saareyso.

Somaliland ayaa waxay sheegataa in Soomaaliya ay ka go'dey in ka badan 30 sano ka hor balse Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay midna uma aqoonsana inay tahay dal madax-bannaan.

Si ay isaga waabiso cadaadiska Itoobiya, Soomaaliya ayaa degdeg waxay heshiis ula saxiixatay Masar iyo Eritrea kaasoo ay isaga kaashanayaan dhanka difaaca iyo tababarka ciidamadda qalabka sidda.

Itoobiya ayaa heshiiska saddex geesoodka ah waxay uga falcelisay in ay ku hanjabto in aysan ciidamadeeda ka saari doonin Soomaaliya ayna sii wadi doonto la dagaalanka maleyshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Tani ayaa waxay sababtey cabsi ku aadan in Soomaaliya ay martigelin karto dagaal fool ka fool ah oo Soomaaliya ku dhex-mari doona Itoobiya iyo Masar maadaama dhowr jeer ay hawada isku-mariyeen hanjabaadyo aanan marnaba aan la dhayal-san karin.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in safaaradaha reer galbeedka ay Villa Soomaaliya gaarsiiyeen digniin la xiriirta heshiiskan saddex geesoodka ah gaar ahaan inuu sii hurin karo colaad kale oo Geeska Afrika ka dilaaca.

Digniintan ayaa waxay sababtay in Soomaaliya ay dib uga degto heshiiskan oo qorshuhu ahaa in degdeg loo dhaqan-geliyo gaar ahaan tababarada ciidamo Soomaali ah oo Eritrea loo qaadi lahaa dhamaadka sanadkan waana dharbaaxo kale oo culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo doorasho toos ah: Kalmad sax ah balse xukun baadil ah huwan

Soomaaliya waa dal dhowr kun oo qof u coddeeyaan baarlamaan ka wakiil ah qaranka dadkiisu ku dhow yihiin 16.3 milyan.

  • Faalada Warka

    11-11-2024

  • 04:20PM

C/Shakuur C/shakuur: Sirdoon waa yeelan karnaa haddii xilka muteysi la isku siiyo

Qormadan waxaa qoray Xildhibaan baarlamaanka federaalka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Faalada Warka

    26-10-2024

  • 03:50AM