C/Shakuur C/shakuur: Sirdoon waa yeelan karnaa haddii xilka muteysi la isku siiyo
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaan go’aansaday in aan talaalo taleefanka safaaradda si aan sirtooda u ogaano, farsamada talaalidda taleefanka waxaa yaqaanay oo keli ah Cabdi Haybe oo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ka tirsanaa, markii aan ka codsaday in uu hawshaas ila fuliyana wuxuu igu xiray in aan Wasiirka amar kala imaado.
Wasaaradda waxaa Wasiir ka ahaa Maxamad Cabdinuur (AUN) oo reer Baydhabo ahaa. Maxamad waxaan is baranay xilligii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, markii aan ula tegey qorshihii aan rabay, wuu ka naxay, laakiin markii aan u sharraxay ahmiyada uu arrinka leeyahay iyo in ay danta qaranka ku jirto wuu iga aqbalay.
Wuxuu ahaa nin waddani ah oo dalkiisa daacad u ah, wuxuu igula dardaarmay in arrinkani marin u noqon in la talaalo taleefannada madaxda Soomaalida.
Safiirku wuxuu lahaa labo khad taleefan oo safaaradda ah iyo labo kale oo hoygiisa ah, Labo waxay marayeen xarunta taleefannada qaranka oo ay markaa inoo dhiseen Suuqa Dhaqaalaha Reer Yurub (EEC), halka laba kalana ay safaaradda toos u marayeen.
Waan ka fogaaday in aan kuwiisa gaarka ah talaallo, maadaama uu safiirku madaxweynaha marti u yahay.
Waxaan hawlgalkaa ku soo qabanay 7 qof oo ciidanka ka tirsan, 3 sirdoonka qaranka ah iyo 3 Ciidamada Milateriga ah, hal ruux oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo haweeney rayad ahayd. Dhamaantood Xabsiga ayaa la dhigay, muddo kadib-na waa la sii daayey maxkamadayn la’aan, maadaama aanu diyaar u ahayn in la kashifo talaalkii taleefanka, waxaase laga eryey shaqadii xuquuq la’aan, gabadhii rayadka ahaydna nin siyaasi ah ayaa waa danbe guursaday.
Jaamac Maxamad Qaalib (AUN), madaxii Sirdoonka Amniga Qaranka Soomaaliya 1962-1966. Sirdoonku xilligaa wuxuu ka tirsanaa Booliska, waxaa la oran jiray (Special Branch).
Ka warran haddii ay Itoobiya 1964 dowladda sidaa ugu dhex jirtay, maxaad u malaynaysaa maanta? Kase warran sida sirdoonka Soomaaliya u hawlgelayey?
Soomaaliya dowlad way ahayd, Sirdoonna waa lahayd wayna yeelan kartaa, waase haddii xilka mutaysi la iskugu dhiibayo oo ah aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo.
Fekrada qormadan kama turjumeyso siyaasada Garowe Online waxay u gaar tahy qofka ku saxiixan