Dowladda Puntland oo ku 26-sano ku jirsatay shan madaxwayne

Image
Tan iyo aas-aaskeeda, shan (5) madaxwayne ayaa guud ahaan soo martey maamulkan.

GAROWE, Puntland – Puntland oo la aas-aasay 1998-dii ayaa sanadkan 2024-ka 26-sano jirsatay. Dhismaha maamulkan oo yimid kadib burburka dowladdii dhexe Soomaaliya wuxuu ka dhashay shirar wadatashi ay yeesheen bulshadda degaanka.

Tan iyo aas-aaskeeda, shan (5) madaxwayne ayaa guud ahaan soo martey maamulkan iyadda oo Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay, halka Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay madaxweynaha haatan xukunka ku fadhiya.

Cabdullaahi Yuusuf oo ka yimid dhanka ciidamadda ayaa dhisay hay’adaha ammaanka. Kala dambeynta iyo ku dhaqanka sharciga ayuu sal adag u yeelay. Kadib muddo dhaaf, doorashadii uu qabtey waxaa badalay Cadde Muuse.

Madaxwayne Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo ahaa Jeneraal ka tirsanaa milatariga Soomaaliya ayaa xilheyntiisa waxay kusoo beegantay xilligii uu Cabdullaahi Yuusuf noqdey madaxweynaha Soomaaliya.

Maadaama dowladda federaalka aysan dhaqaale ahaan isku-filneyn, Puntland ayaa waaqtigaas waxay bixineysay kharashaadkii dowladda federaalka taas oo dib-u-dhigtey horumarkii Puntland damacsaneyd muddo xileedkii Cadde Muuse.

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee shibil ah ayaa xoogga saarey dhismaha xarumaha dowladda, iyo raadinta mashaariic horumarineed oo uu ugu weyn yahay dhismaha madaarka Garowe.

Faroole ayaa sidoo kale waxa uu bilaabay geedi-socodka dimuqraadiyeynta Puntland wallow markii la gaarey bar-dhamaadka ay siyaasiyiin dano gaar ah leh ay carqaladeeyeen loona joojiyey iyadda oo laga cararayo inuu dhiig ku daato.

Mudadii uu xafiiska joogay, Faroole oo haatan ah Senator ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu dhameystiray guud ahaan dastuurka iyo qodobo dastuuri ah gaar ahaan Calanka iyo Astaanta Puntland.

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku yimid doorasho si weyn loogu tartamay ayaa dhankiisa waxa uu gabagabeeyay mashaariicdii uu ka tagay Faroole. Balse, Gaas ka gaabiyey dhaqaajinta hanaanka dimuqraadiyadda.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku suntan hogaamiyaha kaliya maamulkan soo maray ee labo jeer dib loo doortey ayaa ka dhabeeyay himiladii shacabka degaankan oo ahayd in ay codkooda kusoo doortaan metelayaashooda.

Doorashadda uu qabtey Deni waxaa ka horeeyay khilaaf kadib markii la isku badalay qodobo dastuur ah taas oo haatan loo baahan yahay in la saxo si loo qabto doorashadda soo socota ee Golaha Wakiiladda.

Deni ayaa si lamid ah waxa uu sii karaar-siiyey dhismaha iyo tayeynta ciidamadda difaaca Puntland. Intaas waxaa wehlisa, waxa uu xoojiyey xiriirka hay’adaha caalamka taas oo fududeysay fulinta iyo dhameystirka mashaariicda.

Sikastaba, waxaa si fudud loo oran karaa Puntland ayaa hiigsatay mid kamid ah himiladii ay shacabkeeda markii horey u aas-aasteen taas oo ah “Soomaali wada nool hadana kala nool” wallow ay dowlada federaalka wali cagaheeda ku taganeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbaahin madax-banaan: Jidka Xasilloonida iyo Horumarka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, joogtaynta saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya waxay ku xiran tahay dhowr arrimood.

  • Faalada Warka

    13-09-2024

  • 12:21PM

Soomaaliya ma isku dheelatiri kartaa danaha Turkiga iyo Masar?

Labadan dal ayaa dano istaraatiijiyadeed kawada leh Soomaaliya xilli ay xiisad kala dhaxeyso Itoobiya.

  • Faalada Warka

    07-09-2024

  • 12:18PM