Sooyaalka joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya

Image
Ciidamada Itoobiya ayaa dib u soo galay Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkii 2012.

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhul iyo mid siyaasadeed oo soo jireen ah, kaasoo ka dhashay dhul balaarsi ay Boqortooyada Itoobiya isugu fidisay dhulka ay Soomaalidu degto ee Ogaadeenya dhamaadkii qarnigii 19-aad, sidda ku xusan taariikhda.

Dagaalkii Ogaadeen, oo sidoo kale loo yaqaan Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuu ahaa dagaal millatari oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya intii u dhaxaysay July 1977 ilaa March 1978-kii.

Soomaaliya waxa ay u burburtay fowdo ka dib markii la afgambiyay taliskii milatariga ahaa ee Madaxweyne Siyaad Barre 1991-kii, taas oo abuurtay gobolo ay maamulaan maleeshiyo beeleedyo iyo kooxo Islaami ah.

Markii ugu horreysay ee ay Itoobiya soo gasho xuduudda Soomaaliya waxay billaabatay 1997-kii, si ay u taageerto malleeshiyada Soomaalida ee xulafada la ah kuna sugan gobolka Gedo ee dalka si ay uga adkaadaan kooxda Islaamiga ah ee Al-Itixaad Al-Islaamiya.

Waxay mar kale soo galeen Soomaaliya sanadkii 2006-dii xilligaas oo ay dalka ka curteen Midowgii Maxaakiimta oo muddo lix bilood ah ka talinayay gobollo badan oo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dhowr kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo wata dabaabaadka dagaalka iyo saanad milateri oo aad u badan ayaa gudaha u galay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo sabab uga dhigay arrimo la xiriira amniga qaranka oo looga hortagayo abuuritaanka maamul Islaami ah oo adag ka dib markii muqaawamada islaamiga ah ay ku guulaysteen xukunka dalka intiisa badan.

Ciidamada ayaa markaasi ku fiday dalka oo dhan, waxaana ay dagaal lagu hoobtay kula galeen Islaamiyiin iyo kooxihii qaranka ee ku sugnaa caasimadda dalka ee Muqdisho, ka hor inta aysan dalka ka bixin Jan. 2, 2009.

Isagoo markaas ka hadlayay magaalada Addis Ababa, ayaa Ra'iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi wuxuu sheegay in aan dib loo laaban doonin.

"Ma jirto baahi loo qabo in lagu degdego, waxaanan ka shakisanahay in ciidamadeenu ay doonayaan inay isaga baxaan iyagoo aan ku degdegin," ayuu yiri Zenawi. "Taasi waxay tidhi, habka ka bixitaanka ayaa bilaabmay, wax ka soo noqosho ahna ma jirto."

Ciidamada Itoobiya ayaa dib u soo galay Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkii 2012, waxayna qeyb ka noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Howgalkan, ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa si rasmi ah uga howlgala qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, balse 5,000 ilaa 7,000 oo askari oo kale oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan gobollo dhowr ah sida uu dhigayo heshiis laba geesood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbaahin madax-banaan: Jidka Xasilloonida iyo Horumarka Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, joogtaynta saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya waxay ku xiran tahay dhowr arrimood.

  • Faalada Warka

    13-09-2024

  • 12:21PM

Soomaaliya ma isku dheelatiri kartaa danaha Turkiga iyo Masar?

Labadan dal ayaa dano istaraatiijiyadeed kawada leh Soomaaliya xilli ay xiisad kala dhaxeyso Itoobiya.

  • Faalada Warka

    07-09-2024

  • 12:18PM