Warbaahin madax-banaan: Jidka Xasilloonida iyo Horumarka Soomaaliya

Image
Si kastaba ha ahaatee, joogtaynta saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya waxay ku xiran tahay dhowr arrimood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dunida ayaa maanta laga xusayaa “maalinta milicsiga iyo midnimada”. Munaasabadan aawadeed, doorka saxaafada Soomaaliya oo muhiim u ahayd la tacaalida caqabadaha joogtada ah sida laga bilaabo jahwareer siyaasadeed ilaa khataro amni ayaa wajahaysa dhiigbax ba’an.

Iyadda oo Soomaaliya ay kamid tahay meelaha ugu qalafsan ee wariye ka howlgalo, khataraha ugu badan ayaa ka imanaya kooxaha xagjirka ah iyo cadaadisyo siyaasadeed yaga oo aan haysan ilaalin sharci oo ku filan marka ay la kulmaan tacadiyada ay geysanayaan madaxda xilka haysa.

Si guud, warbaahinta waa aasaaska dimuqraadiyadda, gaar ahaan in ay korjoogteyso madaxda xukunka haysa gaar ahaan kuwa geysta musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqda aadanaha, iyo caddaalad-darrooyinka bulshada.

Macluumaadka been abuurka ah waa khatar haatan taagan. Wakaaladaha wararka lagu kalsoon yahay sida Garowe Online waxay door muhiim ah ka ciyaaraan ka hortagga wararka been abuurka ah iyaga oo la bixiyo macluumaad sax ah oo waqtigiisa ah, waxay ka caawiyaan yareynta fahamka qaldan iyo dhiirrigelinta wada hadalka halkii laga abuuri lahaa kala qaybsanaan.

Si kastaba ha ahaatee, joogtaynta saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya waxay ku xiran tahay dhowr arrimood. Dib-u-habaynta sharciga ayaa muhiim u ah in suxufiyiinta laga ilaaliyo dhibaataynta iyo rabshadaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay hirgeliso ayna dhaqan geliso sharciyo ilaaliya xorriyadda hadalka, iyada oo hubinaysa in xirfadlayaasha warbaahintu ay shaqayn karaan iyaga oo aan ka cabsanayn aargoosi.

Taageerada caalamiga ah ayaa xoojin karta dadaalladan. Saaxiibadda caalamiga ah waxay awood u leeyihiin in ay bixiyaan tababarro, dhaqaale, iyo maalgelin si loo hagaajiyo tayada iyo gaarista saxaafadda Soomaaliyeed. Iskaashiga wadajirka ah ayaa ka caawin kara in la dhiso xarumo warbaahin oo madax-bannaan oo dhaqaale ahaan waara.

Dadweynaha ayaa sidoo kale mas’uuliyad saaran tahay. Muwaadiniinta waa inay taageeraan hay’adaha warbaahinta iyaga oo qiimeynaya warbixinnada xaqiiqda ah iyo falanqaynta muhiimka ah.

Ugu dambeyntii, horumarka saxaafadda ayaa si dhow ula xiriira horumarka Soomaaliya oo dhan. Saxaafad xor ah kaliya ma aha mid laga helo macluumaad balse sidoo kale waa horseedaa midnimo, iyada oo isku xireysa bulshooyinka kala duwan iyo kor u qaadista aqoonsi iyo ujeedo qaran oo wadaag ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya ma isku dheelatiri kartaa danaha Turkiga iyo Masar?

Labadan dal ayaa dano istaraatiijiyadeed kawada leh Soomaaliya xilli ay xiisad kala dhaxeyso Itoobiya.

  • Faalada Warka

    07-09-2024

  • 12:18PM

Dhowr arrimood oo aadan ka ogayn heshiiska Masar iyo Soomaaliya

Heshiiskan waxaa qeyb ka ah kor u qaadista iskaashiga militariga iyo amniga.

  • Faalada Warka

    28-08-2024

  • 01:01PM