Aabe qoyskiisa ku biilayey darawalnimo oo lagu fuliyey dil toogasho

Image
Hussein Abo al-Kheir oo u dhashay dalka Jordan ayaa loo toogtey in uu watay mukhaadaraad wallow uu beeniyay.

RIYADH, Saudi Arabia - Nin u dhashay dalka Urdun oo sheegay in la jirdilay muddo 12 maalmood ah si uu u saxeexo qiraal been ah ayaa Sucuudiga ku fuliyey xukun dil toogasho ah. Talaabadan ayaa la qaadey iyadda oo ay ka qaylo-dhaaminayaan Qaramada Midoobay iyo Boqortooyadda Ingiriiska.

Hussein Abo al-Kheir, oo ah aabbe siddeed carruur ah kuna biilayey qoyskiisa darawalnimo, ayaa la xiray laguna eedeeyay inuu daroogo watay sannadkii 2014-kii, laakiin wuxuu muddo dheer ku adkaysanayay inuu wax dambi ah lahayn, isagoo sheegay in jirdil loo geystay si uu u saxiixo qiraalka.

Dabayaaqadii bishii Nofembar, markii uu soo baxay dilka al-Kheir, Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha wuxuu ku biiray koox siyaasiyiin ah oo British ah, oo uu ku jiro Wasiirka Bariga Dhexe, Lord Ahmad, kuwaas oo xukuumadda Riyadh ugu baaqay inay meesha ka saarto xukunka dilka.

Waqtigaas, wasiirka arrimaha dibadda David Rutley ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka isagoo ka jawaabaya su'aal deg deg ah in al-Kheir "si cad" loo jirdilay, in xaaladiisu ay tahay "wax laga naxo" arrintana laga soo qaaday "heerka ugu sarreeya".

Afar maalmood ka dib, Rutley oo hadalkiisa uu gilgilay Sacuudi Carabiya ayaa waxa uu codsaday in rikoorka baarlamaanka la garaaco, isagoo sheegay inuu si khaldan u hadlay.

Al-Kheir ayaa ahaa qofkii ugu dambeeyay ee ruux qof ah oo lagu fuliyo xukun dil ah siddeedii maalmood ee la soo dhaafay, taas oo walaac ku abuurtay dadka diiwaangelinaya kiisas dil ah oo kale oo soo socda.

Tan iyo sanadkii 2010, Sacuudi Carabiya waxa ay dil toogasho ah ku fulisay ku dhawaad ​​saddex jeer in ka badan tirada dadka ajnabiga ah ee lagu eedeeyay dambiyada la xiriira daroogada kuwaas oo aan buuxinin heerka "dambiyada ugu waaweyn" marka loo eego sharciga caalamiga ah, sidda lagu sheegay warbixin rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM