Abaarta Soomaaliya oo "43,000 qof ay u dhinteen" sanadkii hore
NAIROBI, Kenya - Warbixin cusub ayaa waxaa lagu sheegay in qiyaastii 43,000 oo qof ay ku geeriyoodeen abaarihii ugu dheeraa ee Soomaaliya soo maray sanadkii hore. Kala bar dadkan waaa carruur ka yar shan sano jir.
Waa markii ugu horeysay oo si rasmi ah loo tiriyo dadka ku dhintay abaarta ka jirta Geeska qaaradda Afrika oo saameyn weyn ku yeelatay wadamadda ay ku jto Soomaaliya.
Ugu yaraan 18,000 oo qof, iyo ilaa 34,000, ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta, waxaa la saadaalinayaa inay dhiman doonaan lixda bilood ee ugu horreeya xagaagan.
"Dhibaatada hadda jirta waa mid aad uga fog," ayay tiri warbixinta oo ay soo saareen Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta.
Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa kamid ah meelaha saameynta ugu badan ay ka jirto. "Kor-u-kaca qiimaha cuntada adduunka iyo dagaalka Ukraine ayaa sii kordhinaya dhibaatada gaajada," ayay tiri warbixinta.
Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka ayaa horraantii sanadkan waxay hoosta ka xariiqeen in aysan wali saadaalin karin waqtiga rasmiga ah ee macluul ay ka dilaaci karto Soomaaliya.
Hase ahaatee, sidda ay muujineyso warbixinta, waxay xaaladda waqti xaadirkan jirto ku tilmaameen "mid aad u daran" iyadoo in ka badan 6 milyan oo qof ay "ku gaajaysan yihiin Soomaaliya".
Macaluul waxay ka dhigan tahay in ay jirto cunto la'aan ba'an iyo ay kororto heerka dhimashada ee ka dhalata cunto la'aanta ama nafaqo la'aanta ayna wehliso cudurrada sida daacuunka.
Shuruudaha shaacinta macluul waxaa kamid ah in shan meelood meel qoysaska ay soo food saartay cunto yari, in 30 boqolkiiba carruurta ay hayso nafaqo-xumo ba'an, iyo in 10-kii kun qof ay maalin walba laba qof dhimanayaan.
GAROWE ONLINE