Afar xaqiiqo oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato ciidanka Danab

Image
Askartan ayaa la aaminsan yahay in ay ku jiraan cutubyadda haysta tababarka ugu wanaagsan ee ciidanka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa waxaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay aad looga hadal-hayey fagaareyaasha warbaahinta caalamiga ah gaar ahaan Reer Galbeedka.

Askartan ayaa la aaminsan yahay in ay ku jiraan cutubyadda haysta tababarka ugu wanaagsan ee ciidanka Soomaaliyeed. Gorgor uu Turkiga tababaro ayaa sidoo kale waxay ku jiraan liiskan.

Bancroft Global Development

Inkasta oo ay hoostagaan Mareykanka, ciidamadda Danab waxaa saadkooda qandaraas ku haysta Shirkadda Bancroft Global Development, oo fadhigeedu yahay Washinton.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qandaraaskan siisey shirkadda oo sidoo kale qaabilsan tababarka Ciidamada Midowga Afrika, isla-markaana ay ula mid noqoto hawlgalada Militariga Somaliya.

Shuruudaha aas-aasiga ah ee qofka kamid noqonaya askarta Danab ayaa, sidda laga soo xigtey New York Times, waxay kala yihiin; ka aflaxida imtixaan jireed, akhris-qoraal iyo sooyaal dhanka amniga ah.

Kharashaadka ku baxa sanadkii

Xilli fariisinkooda ugu weyn uu yahay Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, guud ahaan tababarka, saadka, qalabeynta iyo quudhinta askartan waxaa sanadkii ku baxda $80 milyan. Gunadooda waa 300 oo dollar.

Qaar ka mid ah dadka dhaliila ayaa sheegaya in howlgallada Soomaaliya ee hadda socda ay aad ugu tiirsan yihiin Danab, taasoo waxyeello u geysaneysa shaqada weyn ee dhismaha ciidanka Soomaaliya ee caadiga ah.

Howlgaladda haatan soconaya ayaa ku yimid amar guud oo uu bixiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo maamulkiisa uu doonayo in sanadkan 2023 uu ka adkaado xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Qaab-dhismeedka howlgaladda

Cutubyada ka tirsan ciidamadda Ameerikaanka ee kala ah Army Green Berets iyo Navy SEAL Commandos ayaa si dhow waxay ula shaqeeyaan ciidamadda Danab ayna si wadajir ah u fuliyaan howlgaladda gaarka ah.
Sidda laga soo xigtey New York Times, shaqooyinka kale ee ay wada qabtaan darafyaddan waxaa kamid ah is-dhaafsiga tallooyin ku saabsan qorshaynta hawlgalka, xog ururinta iyo cilad-baadhista.Howlgaladda gaarka ah ee ay fuliyaan ciidamadda Danab ayaa inta badan waxa uu ka dhacaa degaanadda fog ee miyiga ah waxaana kasii horeeya saraakiil dharcad oo macluumaadka u soo tabinaya.Kaalinta ciidamadda Mareykanka

Marka ciidanka Danab ay u baxaan howlgallada, la-taliyayaasha Mareykanka ayaa ku jara saldhigyada yar yar ee hawlgallada balse waxay dhaqdhaqaaqa kala socdaan tabinta tooska ah ee diyaaradaha.

Haddii ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay dhibaato la kulmaan, waxa ay marka hore gargaar ka raadsadaan cutubyo Soomaali ah oo ka ag dhow ama diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Uganda.

"Haddii wax kasta oo kale ay ku guuldareystaan, waxay wacaan gurmad ciidamadda Ameerikaanka ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta dheer ee ay todobaadkan daabacdey majaladda afka dheer ee New York Times.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM