Ahmiyada daabacida shilin Soomaali cusub oo laga warbixiyey

Image
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya in sanadka soo aadan uu daabaco lacag cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudnaanta koowaad ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ah dib u soo celinta lacagta qaranka, taasoo u sahlaysa in uu si buuxda ula wareego siyaasadda lacagta, sidda uu shaaca ka dhigay guddoomiyaha Bangiga oo wareysi bixiyey.

Soomaaliya ayaan wax daabicin lacago cusub tan iyo markii ay uu qarxay dagaal sokeeye ee horseeday burburka dowladnimadda sanadka markii uu ahaa 1991-kii.

Sannadka markii uu ahaa 2017, Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ku qiyaasay in 98% lacagta shilin Soomaaliga ah ee suuqa ku jirta ay tahay mid been abuur.

"Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa lagu sarifayay dollar 30-kii sano ee la soo dhaafay," Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, guddoomiyaha bangiga dhexe, ayaa sidaas u sheegay Bloomberg.

Cabdiraxmaan ayaa intaas ku daray: "Haddii mudadaas dib loosoo celin lahaa qiimaha lacagta shilin Soomaaliga ah, waxay dalka u fududeyn lahayd in uu yeesho siyaasad lacag".

Inkastoo uusan ballan-qaadin goorta la daabacayo lacagta cusub, haddana ku xigeenkiisa Cali Yaasiin Wardheere ayaa bishii Janaayo sheegay in bangigu uu beegsanayo sannadka soo socda.

"Dib u soo celinta shilin Soomaaliga oo suuqa ku wehlin doona doolar-ka, waa lama huraan si loo fududeeyo horumarinta siyaasadda lacagta oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha," ayuu tibaaxay gudoomiye Cabdiraxmaan.

Bangiga dhexe ayaa bilaabay in uu ka shaqeeyo qorshooyin lagu soo daabici doono lacag aad qaali u ah sanadka 2017 isaga oo kaashanaya IMF-ta, waxaana markaas kadib soo dhexgalay bangiga aduunka.

Gudoomiye Cabdiraxmaan waxa uu rajaynaya in dhaqaalaha dalka oo hoos-u-dhacay labadii sano ee la soo dhaafay sababo ku aadan Covid-19, abaar ba'an iyo dagaalka Ruushka ee Ukraine, inuu kordhiyo 3.1% 2023, iyo in yar oo dheeraad ah sanadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM