Al-Shabaab oo dardargelisay beegsiga basaska rakaabka Kenya

Image
Falkii ugu dambeeyay ayay ku bartilmaameedsadeen gaari ay la socdeen 55 rakaab ah balse lama soo sheegin khasaaro.

NAIROBI, Kenya - Xaalad cabsi ah ayaa soo wajahdey rakaab saarnaa bas ka gadaal markii maleeshiyada Al-Shabaab ay ku joojiyeen gaariga aagga Wajeer Khamiistii, Juun 15, iyagoo raadinaya dad aan u dhalan deegaanka.

Ugu yaraan 55 rakaab ah oo dhamaantood ahaa dadka deegaanka kuna sii jeeday Mandheera ayaa si nabad ah uga badbaaday shilka 4-tii subaxnimo, sida ay booliisku sheegeen.

Dad goob joogayaal ah oo ka mid ahaa dadkii badbaaday ayaa tibaaxay in ay la socdeen Baska Almukaran, waxaana lagu weeraray deegaanka Boore oo qiyaastii lix KM u jira xarunta ganacsiga ee Tarbaj.

"Kooxdan burcadda ah oo tiradooda lagu sheegay ilaa 15 dabley ayaa rasaas hawada u riday, waxayna ku qasbeen darawalkii inuu istaago, kadibna waxay ku amreen dhammaan rakaabkii saarnaa in ay soo dagaan," ayuu xusay bileyska.

Warbixinta ayaa intaas ku dartey: "Baaritaankii wuu fashilmay kadib markii ay kooxda burcadda ah u ogolaadeen darawalka in uu sii wato safarka Mandheera. Ma jiro wax agab ah oo laga xaday rakaabkii iyo shaqaalihii baska".

Darawalka ayaa ku hakaday Saldhiga Tarbaj halkaasi oo ay warbixin ku siiyeen booliska ka hor inta uusan u ambabixin safarkaasi taasi oo keentay in howlgal kooban uu ka sameeyo deegaanka oo ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhacdadan tan la mid ah ayaa isla deegaankaas ka dhacday maalintii Talaadada ee bishan June 13-keedii. Hase ahaatee, warbixinta laga helay waxay kuso hagaagtey xilli dambe.

Darawalkii baska la beegsaday ayaa ku guuldareystay inuu joojiyo isagoo ku qasbay kooxda weerarka soo qaaday inay furaan mid ka mid ah taayarada baska balse lama soo sheegin wax dhaawac ah.

Falkan ayaa wuxuu yimid iyadoo Xoghayaha Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki uu Arbacadii u duulay Lamu maalin uun ka dib markii argagixisadu ay dileen 16 ka mid ah saraakiisha ammaanka weerar gaadmo ah oo ka dhacay aagga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM