Al-Shabaab oo muuqaal kasoo saartey weerarkii Buulo Mareer
MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay oo Isniin ahayd soo bandhigtay muuqaal la sheegay in laga soo duubay weerarkii ay ku qaaday saldhigga ciidamadda dalka Uganda ee ka tirsan howlgalka ATMIS.
Cajaladan ayaa waxaa kasoo dhex-muuqdey, amiirka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida, Axmed Cumar Abuu Cubeyda kaasoo wajigiisa la qariyey, isla markaana sagootinaya dagaalameyaasha fuliyey gulufkaas.
Sidoo kale, muuqaalkan oo lagu duubay dhul howd ah oo aan la shaacin goobta ay tahay waxaa lagu arkay Sheekh Jaamac Cabdisalaan oo ka tirsan Xasan Yacquub oo kamid ah garabka milatariga xoogaga.
Sidda uu cad muuqaalka, shan kamid ah dableyda ayaa ahaa is-miidaamiye uu sagootiyey Abuu Cubeyda, waxaana ku jiray ajnabi kaasoo aan illaa haatan si rasmi ah loosoo bandhigin magaciisa iyo dhalashadiisa.
Baahinta muuqaalkan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli uu madaxweyne Yoweri Museveni uu si rasmi ah u xaqiijiyey in 54 askari oo Uganda looga dilay weerarkii 26-kii bishii hore May, 2023.
"Waxaan helnay meydadka afartan iyo konton askari oo dhintay, oo uu ku jiro taliye," ayuu Museveni ku yiri bartiisa Twitter-ka, isaga oo hoos-u-dhigaya sheegashadda kooxda Al-Shabaab ee ah dilka 130 askari.
Dowladda Uganda ayaa bishii hore waxay Soomaaliya u soo dirtay koox uu hogaaminayo taliyaha ciidamada dhulka Lieutenant General Kayanja Muhanga si ay u baaraan weerarka.
Museveni oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay laba taliye oo uu ku tilmaamay inay "khalad sameeyeen" ayaga oo ku amray askarta inay dib u gurtaan.
"Waa la soo qabtay, waxaana lagu soo oogi doonaa dacwad ka dhan ah iyaga oo wajihi doona maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Uganda,” ayuu si cad carabka ugu adkeeyay Yoweri Museveni.
Weerarkan ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu banaanka usoo saarey habac-sanaanta dhanka sirdoonka ee howlgalka ATMIS kaasoo waqtigiisu dhacayo December, 2024.
GAROWE ONLINE