Al-Shabaab oo soo bandhigtay ajanbi is-qarxin ka fuliyey Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa baahiyey muuqaal cusub oo ay kusoo bandhigeen nin ay ku sheegeen in uu yahay naftii-haligihii isku-qarxiyey saldhiga degaanka Bariire bishii April 3, 2021.
Weerarkaas oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey ciidamadda dowladda federaalka gaar ahaan kumaandooska Gorgor.
Is-miidaamiyaha gaari nooca raaxada ah ku bilaabay weerarkaas ayaa, sidda ka muuqata muuqaalkan cusub, waxa uu yahay Ramadan Mwani (Abdulhaq Al-Muhajir) kaasoo kasoo jeeda waddanka Kenya.
Isla-cajaladan ayaa lagu sheegayaa in Mwani uu kamid ahaa dableydii weerartey saldhiga ciidamadda Mareykanka ku leeyihiin gudaha Kenya ee lagu magacaabo Manda Bay bishii Jan 5, 2020.
Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa caddeeyay in weerarkaas ay ugu aar-gudayeen dilka Qaasim Suleymaani, madaxii ciidamadda sirdoonka dibadda Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan.
Askar iyo qandaraaslayaal Ameerikaan ah ayaa kamid ahaa dadka ku naf-waayay weerarkaas. Muuqaalada laga faafiyey waxay muujiyeen in lagu gubay diyaarado nooca qumaatiga u kaca oo malaayiin ku fadhiya.
Cajalad cod ah oo garabka warfaafinta Al-Shabaab uu sii daayay Jan 3, 2021 ayaa sidoo kale waxaa lagu dhageystay Amiirka guud ee kooxda, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda kaasoo la hadlaya dableyda gashay Manda Bay.
Maleyshiyaadka howlgalkaas fuliyey ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Moulana Faruq Moulana, Ahmed Al-Muhajir, horjoogaha (Yemen), Abubakar Al-Muhajir (Tanzania), Ali Muhammad Ali, Qudama Al-Muhajir (Ethiopia), iyo Abdulwali Muhammad Ibrahim “Moallim Omar” si lamid ah Adam Iman Yusuf, Abdulkareem (Soomaali).
Inkasta oo aan la shaacin waqtiga la duubay codkaas, haddana Abuu Cubeyda ayaa soo hadal-qaadey hogaamiyihii dhowaan la dilay ee Al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri, oo cilaaqaad dhow uu kala dhaxeeyay.
Codkaas ayaa la faafiyey sanad-guuradii koowaad ee weerarkaas oo Ameerikaanka ay la xiriiriyeen dayac dhanka mukhaabaraadka iyo hay'adaha amniga Kenya kuwaasoo dhankooda aanan wali jawaabin rasmi ah ka bixin.
GAROWE ONLINE