Amarkii Trump ee Ameerika ku khasaartey $100 bilyan

Image
Talaabadan ayaa si xun waxay u saameysay shirkadaha waaweyn ee Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Juun 22, 2020, madaxweyne Trump ayaa soo saaray amar fulineed oo xaddidaya gelitaanka shakhsiyaadka doonaya inay Mareykanka ku soo galaan fiisaha shaqada ee aan muhaajiriinta ahayn.

Tani waxay si xun u saamaysay qiimeynta suuqa ee shirkadaha ugu waaweyn Ameerika. Marka loo eego qiyaasaha, amarka ayaa is-hortaagay ku dhawaad ​​200,000 oo shaqaale ajnabi ah.

Dalku-galka aan-soo-galootiga ahayn (sida fiisaha H-1B iyo L-1) ee la beegsaday waxaa adeegsada shirkaduhu si ay u shaqaaleeyaan ama ugu wareejiyaan muhaajiriin xirfad sare leh.

Markaa, waa macquul in tillaabooyinka maamulka Trump ee si weyn u xakameynaya socdaalka ay saameyn xun ku yeelan doonaan shirkadaha Mareykanka, taasna, hoos u dhigi doonta soo kabashada dhaqaale ee COVID-19 ka dib.

Majalada The Brookings.edu waxay qiyaastay celceliska saamiyada aan caadiga ahayn macaashka shirkadaha Fortune 500 kadib amarkii Juun, 22 taas oo xaddiday fiisooyinka socdaalka ee qaxootiga xirfadda leh ee shirkadaha Fortune 500 ay si gaar ah ugu tiirsan yihiin.

"Habkani wuxuu noo ogolaanayaa inaan qiyaasno saameynta dhaqaale ee degdegga ah ee amarkaas ee aan soo sheegnay in ay gaartey shirkadaha ugu waaweyn ee Maraykanka," ayay warbixintu raacisay.

Warbixinta ayaa ku daraysa "Waxaan ogaanay in wixii ka dambeeyay amarkaas, qiimeynta suuqa ee shirkadaha Fortune 500 ee muunaddeena ay hoos u dhacday qiyaastii 0.45 boqolkiiba, khasaaraha guud ahaan dhaqaalaha oo aan ku qiyaasno ku dhawaad ​​​​$100 bilyan oo ku saleysan qiimeynta suuqa shirkado isku mid ah maalin ka hor amarkaas".

"Waxaan sidoo kale ogaanay in saameynta ugu badan ay gaartey shirkadaha sida ba'an isugu haleeyay shaqaalaha qaxootiga ah kahor inta uusan soo bixin amarkaas," ayay raacisay warbixinta.

Jariiradda ayaa ka digtey in dib dambe loosoo saaro amaro lagu xakameynayo soo galootiga oo ay sheegeen in ay laf-dhabar u yihiin soo kabashadda dhaqaale ee Mareykanka maadaama uu hoos u dhigay safmarka Covid-19.

Amarka fulineed ee Trump muhaajiriinta uga mamnuucay Mareykanka ayaa lagu beegsadey dalal inta badan dadkoodu ay Muslimiin yihiin waxaana kamid ah Soomaaliya wallow uu xeerkaas meesha ka saarey maamulka Biden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM