Amnesty: Somaliland waxay si ola kac u duqeysay xarumo shacab
MUQDISHO, Soomaaliya - In ka badan 100 qof ayaa waxay ku geeriyootey, tirro ka badanna 600 qof kale waa ay ku dhaawacmeen dagaalka u dhexeeya ciidamada ammaanka Somaliland iyo dadka degaanka ee Laascaanood, sidda ay sheegtey Amnesty International, oo intaas ku dartey in dhibaneyaasha ay ku jiraan tobanaan dad rayid ah.
Hay'adda ayaa intaas ku dartey in ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ay si aan kala sooc lahayn u duqeeyeen xarunta gobolka Sool, isla markaana ay waxyeelo u gaysteen cisbitaallo, dugsiyo iyo masaajid, dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dad rayid ah, tobanaan kun oo qofna ay ku barakaceen.
"Dhammaan dhinacyada isku haya Laascaanood waa inay joojiyaan weerarrada aan loo meel dayin, oo ay go'aansadaan inay ilaaliyaan dadka rayidka ah, ayna ixtiraamaan qawaaniinta sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada," ayuu yiri Tigere Chagutah, Agaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Chagutah ayaa intaa ku daray: "Isbitaalada iyo ambalaasyada waa in aan la bartilmaameedsan. Waa in la sameeyaa baaritaan madax banaan oo ku aadan dhammaan xuquuqda aadanaha iyo xadgudubyada sharciga bani'aadamnimada si loo xaqiijiyo in lala xisaabtamo kuwa mas'uulka ka ah iyo magdhow la siinayo dhibanayaasha".
Laga soo bilaabo 6-dii Febraayo ilaa 6-dii Maarso, Amnesty International ayaa sheegtey in ay wareysatay 37 qof oo ku sugan Laascaanood, oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabada dhibanayaasha, markhaatiyaal, dhakhaatiir, iyo samafalayaal.
"Ururku waxa kale oo uu falanqeeyay tirada dhaawacyada shan ka mid ah cisbitaallada maxaliga ah ee Laascaanood, iyo warbixinnada warbaahinta, NGO-yada iyo dawladda Somaliland," ayaa la raaciyey warbixita.
Kooxaha bini'aadantinimada ayaa sheegay in mudadii u dhaxaysay 154,000 ilaa 203,000 oo qof ay u barakaceen magaalooyinka iyo tuulooyinka deriska la ah, halka qaarkood ay u gudbeen xadka Itoobiya. "Waxay hadda u baahan yihiin gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah. Haween, carruur, iyo dad waayeel ah ayaa ugu ildaran," ayay kusoo xirtey.
GAROWE ONLINE