Askari ka howlgalay Soomaaliya oo dilay wasiir uu ilaalo u ahaa
KAMPALA, Uganda - Wasiiru-dowlaha Shaqada, Shaqaalaha iyo Xiriirka Warshadaha ee Uganda, Charles Okello Engola, ayaa lagu toogtay subaxnimadii Talaadada gurigiisa oo ku yaalla magaala madaxda Kampala.
Waardiyaha qaaska ah wasiirka, Ronald Otim, ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaana loola cararay isbitaalka Mulago si loogu dabiibo loona badbaadiyo noloshiisa.
Afhayeenka booliiska Enanga, oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay in ay goor hore tahay in la xaqiijiyo sababta keentay toogashada.
"Baaritaanku wuxuu hadda ku jiraa marxaladaha hore ee dib u eegista...Ma doonayno inaan ku qiyaasno sababta toogashada ilaa aan xaqiijinno," ayuu yiri afhayeenka booliiska.
Wasiirka ayaa markii la tooganayay waxa uu u socday inuu ka qeyb galo fadhi ay lahaayeen Golaha Wasiirada, sida uu sheegay Wasiirka ICT iyo Hanuuninta Qaranka, Chris Baryomunsi.
Askariga toogashada geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Wilson Sabiiti kaasoo kamid ah ilaaladda wasiirka la dilay. Goobjooge ayaa sheegay in uu muran dhexmaray labada dhinac kahor toogashadda.
Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in Sabiiti uu ka cawday in Wasiirka la dilay uu ku lahaa dhowr bilood oo mushaarkiisa. Gacan-ku-dhiiglaha ayaa isla goobta isku-khaarijiyey kahor inta aysan goobta imaan ciidanka.
Wasiirka jinsiga iyo shaqaalaha, Betty Midni, oo ka mid ahayd saraakiishii ugu horreysay ee dowladda ka tirsan ee soo gaaray guriga Engola ka dib toogashada, ayaa xusay in Sabiiti "uu ahaa waardiye cusub".
Sidda laga soo xigtey The East African, Wilson Sabiiti ayaa kamid ahaa askarta Uganda ee dhowaan laga dhoofiyey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana kamid ahaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.
Dhacdadan oo ay si weyn u hadal-hayso warbaahinta Uganda ayaa waxay dhalisay dood ku saabsan in ammaanka mas'uuliyiinta xilalka sarre haysa uusan ku jirin gacan amni ah loona baahan yahay in degdeg wax looga qabto.
GAROWE ONLINE