Askari Mareykanka uga howlgalay Soomaaliya oo noqdey Timo-jare

Image
Jason Keith ayaa haatan isku-diyaarinaya in uu qayb ka noqdo howlgalka samata-bixinta Ukraine.

WASHINGTON, USA – Jason Keith xaaskiisa ayaa ku qasbaysa inay ka joojiso inuu hub u qaato si uu u difaaco calanka buluugga iyo jaalaha ah ah ee Ukraine xilli uu isku-diyaarinayo in uu qayb ka noqdo howlgal samata-bixin ah.

Keith waa sarkaal howlgab ah kana tirsanaa ciidamadda gaarka ah ee Mareykanka. Wuxuu kasoo shaqeeyay Duufaanadii Saxaraha ahaa, ka dibna Soomaaliya intii u dhaxaysay 1989 ilaa 1993. Hadda waa tima-jare ku nool Wellington.

"Waan doonayey in aan maalin caawiyo dadka Ukraine," Keith ayaa yiri Isniintii, isagoo erayo qallafsan ku dhaleeceeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Wuxuu ku daray: "Uma maleynayo in waabsiga ugu weyn uu yahay in qof kasta uu u dhaqaaqo inuu ku biro dagaalka. Shacabka la go’doomiyey, cadaalad ma ahan in ay baaqi kusii ahaadaan bartamaha xaaladdan murugsan".

Keith waxaa lagu wargelin doonaa taariikhda bixitaankiisa usbuuca soo socda. Waxa uu isku diyaarinayaa inuu raaco tabaruceyaal ka socda Kaniisadda Faith ee Evangelic si ay dhar, cunto iyo agabyo kale u gaarsiiyaan qaar ka mid ah malaayiinta qaxootiga ah ee ka soo cararaya dagaalka Ukraine.

Kaniisadda Parma waxaa asaasay dadka soo galootiga ah ee ka tagay Ukraine iyo dalal kale kadib burburkii Midowgii Soofiyeeti. Waxay dib u dageen Waqooyi Bari Ohio. Ubadkooda ayaa hadda isku dayaya in ay u gurmadaan waalidiintooda.

Qorshuhu wuxuu ahaa in ay ku horeeyaan Kyiv si halkaas gargaar loo gaarsiiyo, balse waxaa meesha ka saaray duqeymo iyo gantaallada Ruushka. Waayo-aragnimadiisa awgeed, Keith wuxuu sheegay inuu fekerad ka haysto wuxuu rajeynaayo.

"Fowdo dhamaystiran oo baaxad weyn," ayuu yiri. "Dadku waxay u raadin doonaan gargaar si kasta oo ay ku heli karaan, halka kuwa kalena ay shakiyi doonaan oo ma aqbali doonaan caawimaad xitaa haddii ay ku jiraan xaalad quus ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal Sano iyo Himilada Doorasho Qof iyo Cod ah

Inkastoo ay jiraan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo doorashada qof iyo cod, haddana xaaladda amni ee dalka ayaa weli ah mid aad u adag.

  • Warbixino

    09-04-2025

  • 11:50AM

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM