ATMIS: Howlgalkii "ugu geerida badnaa" dunida muddo 80-sano ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2007-dii, sida uu VOA u sheegay madaxa taliska ATMIS, Maxamed El-Amine Souef.
"Howlgalka waxa uu diiwaangeliyay ku dhawaad 4,000 oo dhaawac ah. Sida laga soo xigtay saraakiishii ciidamada ee howlgalka ka soo qeybgashay, dhaawacyada, oo ay ku jiraan kuwa naafada ah, waxay gaari karaan in ka badan 5,000," ayuu ku daray Souef.
Qiyaaso hore oo ku saabsan khasaaraha ciidankan ayaa horey waxaa usoo bandhigay Paul D. Williams, oo ah borofisar arrimaha caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda George Washington, isla markaana qoray buugaag dhowr ah oo ku saabsan hawlgallada nabad ilaalinta.
"AMISOM, ilaa hadda, waa howlgalkii ugu dhimashada badnaa ee caalamka oo dhan 80-kii sano ee la soo dhaafay," Williams ayaa u sheegay Barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA.
Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Ma jiro hawlgal kale oo nabadeed oo gaarey meel u dhow tiradaas marka laga hadlayo waxyeeladda dhimasho iyo dhaawacba".
Williams oo sii hadlaya ayaa waxa uu ku nuux-nuux-saday in ay jirto daah-furnaan la'aan dhanka Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ku saabsan tirada dhaawacyada.
"Midowga Afrika waligiis si hufan ugama hadlin tirooyinka dhimashada ee howlgalladooda Soomaaliya," ayuu ku doodey Williams oo si dhow ula socda siyaasadda iyo ammaanka Soomaaliya.
Wuxuu intaas sii raaciyey: "Waxay taasi bedelkeeda dib u dhigtay rabitaanka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo aan doonayn in ay si cad u shaaciyaan dhammaan nabad-ilaaliyaasha dhintay. Go'aankan siyaasadeed wuxuu dhaawac weyn u geystay nabad-ilaaliyeyaashii naf-hurnimada sameeyay iyo ehelkooda".
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dadka degaanka ayaa wadey dhaq-dhaqaaqyo ciidan tan iyo bishii August ee sanadkii 2022-ka, waxaana ay ballan qaadeen in ay sanadkan ka adkaan doonaan Al-Shabaab.
Dhowaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamo aan ka tirsaneyn ATMIS-ka oo ka kala socda dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonaan wajiga labaad ee howlgalladda milateri.
GAROWE ONLINE