Awooda dhanka ciidanka dowladda iyo maamulada oo la kala xadeeyay

Image
Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa heshiiska xeerinayaa in ay yeelan doonto saddex laamood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa isku raacay in dib u eegis lagu sameeyo qaab dhismeedka amniga qaranka kadib shirkoodii Baydhabo ee dhacay March 15-17, 2023

Tirada ciidamada qaranka ayaa, sidda ku xusan heshiiskaas, waxaa laga kordhiyey 18,000 oo heshiiska 2017-dii uu xeerinayay waxaana la gaarsiiyey ilaa ugu yaraan 30,000.

Balse, waxaa laga reebayaa ciidamada gaarka ah, ciidamada cirka iyo kuwa badda. Ciidamada booliska heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa laga dhimay 32,000 waxaana laga dhigay 40,000.

"Ciidamadda Ilaalada Xeebaha ee Dowlad Goboleedadda xubnaha ka ah dowladda federaalka waxay kaliya ka shaqayn doonan ilaa 6 mayl-badeed oo badda dhexdeeda ah; wixii intaas ka dambeeyana waxaa mas’uuliyadda iska leh ciidamada federaalka," ayuu qeexayaa heshiiska.

Tirada Ciidamadda Asluubta ee heer federaal ayaa noqon doontaa 4,500, halka dowlad goboleedyadda loo ogolaadey in ay kaliya sameystaan 800 askari oo ciidamo asluub ah, sidda ku cad heshiiskaas.

Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa heshiiska xeerinayaa in ay yeelan doonto saddex laamood oo kala ah: Ciidamada gudaha, dibadda iyo kuwa gaarka ah.

"Ka dib marka xaaladda amni ee jirta ay dhammaato NISA ma yeelan doonto ciidamo gaar ah; waxay yeelan doontaa saraakiil mukhaabaraad lebisan oo hawlo gaar ah fuliya," ayuu qeexayaa heshiiska.

Sidda ku xusan heshiiska, kadib marka laga baxo xaaladaha hadda jira, dhammaan dowlad goboleedyadda ma yeelan doonaan waaxyo qaabilsan dhanka mukhaabaraadka iyo saraakiil sirdoon oo hubeysan.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kampala u tagay ka qeyb galka qalin jebinta ciidan Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray Uganda kuwaasoo dhan 3,000 askari lana carbiyey dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM