Brian Aaron: Nin loo xiray dilka xaaskiisa oo Soomaali ahayd

Image
Eedeysanahan ayaa loo haystaa dilka xaaskiisa, Sahra Bulle taasi oo la la' yahay tan iyo May 26-keedii sanadkan 2023-ka.

TORONTO, Canada - Booliska dalka Canada ayaa xabsiga u taxaabay nin kasoo jeeda gobalka Michigan ee dalka Maraykanka kaasi oo ay ku eedeeyeen dilka haweeney la la'yahay muddo todobaad ka badan, waxaana soconaya baaris lagu ogaanayo qof badan.

Brian Aaron Marbury, oo da'diisa lagu sheegay in uu yahay 45 sano jir ah, ayay Boolisku ka xireen wadada isku xirta Windsor-Detroit isaga oo dib ugu soo laabanayay dalka Canada.

Eedeysanahan oo aan lasoo bandhigin shaqadda uu haatan qabto ayaa waxaa loo haystaa dilka xaaskiisa, Sahra Bulle, oo jirtay da'aada 36 taasi oo la la' yahay tan iyo May 26-keedii sanadkan 2023-ka.

Hooyadeed Fartuun Kuusoow oo si uur-taabad ah uga hadashay kiiskan ayaa baraha bulshada ku baahisay sawiradeeda iyada oo gudbisay codsiyo in dowladdu la baadi goobto.

Baaritaanka in ay sii wadayaan ayay sheegeen Boolisku iyada oo Sahra iyo Brian ay ahaayeen qoys is qabay muddo 19 sano ah, sida ay warbaahinta u sheegtay habaryarteed Ruqiyo Kuusow.

"Mudadaas 18-ka sano ah gabadhaas waxay la noolayd dhibaato. Waan isku daynay in aan ka saarno laakiin waad ogtahay oo qofku markuu dhibaato la galo way adagtahay in laga soo bixiyo," ayay ku dartay.

Dhibaatooyinka Soomaalida lagu waayo qurbaha ayaa soo batay 10 sano ee lasoo dhaafay iyada oo si gaar ah dalka Canada ay uga cawdaan in dowladDu aysan ka gaysan gacanta loo baahan yahay si looga daba tago dhacdooyinka isla markaana looga sal-gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM