Carro ka dhalatay qabashada Jananka "madaxa loo geliyey dambasta"

Image
Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayay xusuusiyeen in ay joojiso beegsiga ay sida gaarka ah ugu hayso dadkooda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiisad siyaasadeed iyo carro bulsho ayaa qaraxdey markii ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya ay xabsi dhigeen Jeneraal Sheegow.

Qabashadda Janankan ayaa ka dambeysay markii dagaal qaatay 15-saac uu la galay cutubyo kamid ah askarta dowladda. Isku-dhaca hubeysan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dadka uu kasoo jeedo Janankan oo la hadlay warbaahinta ayaa “bahdil iyo cunsriyad” ku qeexay xarigan. Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayay xusuusiyeen in ay joojiso beegsiga ay sida gaarka ah ugu hayso dadkooda.

Waa kuma Jeneraal Sheegow?

Magaciisa oo dhameystiran waa Axmed Cali Sheegow. Waa mid kamid ah saraakiisha ugu khibrada badan ciidanka xoogga. Degaan ahaan waxa uu kasoo jeedaan gobolada HirShabelle. Tirada askartiisa waxaa lagu qiyaasay in ka badan 30 xubnood.

Muranka hareeyay darajadiisa

Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa ku sheegay Kabtan. Hase ahaatee, waxaa soo baxdey in uu Jeneraal yahay. Wareegto uu 2016-kii saxiixay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeyneysa in loo dalacsiiyey Jeneraal.

Darajadan ayuu waayay 2020-kii markii uu ka hor-yimid dib-u-habeynta ciidanka kuna biiray ololihii Badbaado Qaran. Sikastaba, qabashada Sheegow ayaa saameyn ku yeelan kara howlgalada lidka ku ah Al-Shabaab hadaan degdeg loo xalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sayid Macalin Daa'uud oo xukun kama dambeys ah lagu riday

Go'aanka kama dambaysta ah waxa uu soo afjarayaa hannaan sharci oo sagaal bilood socday.

  • Warbixino

    18-09-2024

  • 11:05AM

Heshiiska Soomaaliya iyo Masar oo xoojiyay dagaal ka qarxo Geeska Afrika

Qorshaha ayaa ah in ilaa 5,000 oo askari oo Masar ah ay ku biiraan ciidamada cusub ee Midowga Afrika.

  • Warbixino

    01-09-2024

  • 07:26AM