Dadka ku qaxay colaada Laascaanood oo loo goobayo $116 milyan
GAROWE, Puntland - Xaalad bini’aadantinimo ee gobolka Sool ayaa kasii dareysa iyadda oo ay uga sii dareen colaado, abaaro ba’an iyo cudurro ka dilaacay, sidda ay shaaca ka dhigeen hay'adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in inta u dhaxaysa 154,000 ilaa 203,000 oo qof ay barakaceen tan iyo bishii December 2022, iyadoo ku dhawaad 100,000 ay u gudbeen gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
Hay'adaha bani'aadamnimada ayaa dalbaday $116 milyan oo loogu gargaaro dadkan oo u badan haweenka, carruurta, iyo dadka da'da ah iyadda oo ay ku jiraan caruur aan lala socon.
"Carruur badan oo da'doodu ka yar tahay shan sano, haween uur leh iyo hooyooyin nuujin ah ayaa la ildaran nafaqo-xumo ba'an oo dhexdhexaad ah," ayaa lagu yiri warbixinta OCHA.
Warbixinta ayaa intaas kusii dartey: "Intaa waxaa dheer, waxaa jirta khatar sare oo ah in cudurro dillaaco, iyadoo kiisaska jadeecada horay loo soo sheegay".
"Xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood ayaa sii xoojisay xaaladda gobolka Sool oo ay horeba uga jirtay biyo la’aan baahsan oo ka dhalatay abaaro ka jira gobolka," ayay OCHA tibaaxdey.
Qulqulka dadka barokacay ayaa culeys dheeraad ah saaray kheyraadka yar ee gobolka, taasoo keentay in qoysas badan ay waayaan biyo nadiif ah oo ay cabbaan, tas-hiilaad fayadhowr, hoy, cunto iyo daryeel caafimaad.
"Gelitaanka Laascaanood ayaa weli xaddidan, taas oo adkeynaysa dadaallada gargaarka," ayay OCHA caddeysay iyadda oo dhinacyadda dagaalamaya ku boorisay in ay marinada furaan.
22-kii Maarso, mas'uuliyiintu waxay raashin u qaybiyeen ilaa 6,000 oo qof oo ku kala nool Guumays, Tuulo Samakaab, Yagoori, iyo Kalabeydh. "Hase ahaatee, wali waxaa jira dad kale oo gaajeysan," ayay raacisay.
"Xiisadda ka taagan gobolka Sool ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo taageero caalami ah iyo faragelin si looga hortago in xaaladdu ay sii xumaato, taasoo hore u barakicisay boqolaal kun oo qof," ayay kusoo xirtey.
GAROWE ONLINE