Dakhliga ay Soomaaliya la hesho maamulka hawada oo kordhay
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda hay’adda duulista iyo hawada Soomaaliya ayaa sheegtay in dakhliga ka soo xarooda duulimaadyada hawada uu aad u kordhay tan iyo markii dalka uu helay darajada A bishii Janaayo.
In ka badan 500 oo duulimaadyo caalami ah ayaa isticmaala hawada Soomaaliya maalintii tan iyo markii uu yimid isbadalkaas iyadda oo horey u adeegsan jireen qiyaastii 300 duulimaadyo 24-kii saacadood.
Axmed Macalin Xasan, agaasimaha guud ee hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed, ayaa shaaca ka dhigay in dakhliga sanadlaha ah uu gaarey $31 milyan halka uu horey u ahaa $21 milyan.
"Diyaar kasta oo wada xamuul ka badan 200 tan waxaan ka qaadnaa $390," ayuu raaciyey. "Taasi waa lacagta ugu badan ee aan qaadno. Mar kasta oo xamuulka hoos u dhaco, lacagtana way sii yaraaneysaa".
Hawada Soomaaliya ayaa horey looga maamuli jirin dalka dariska la ah ee Kenya taasoo keeni jirtay in dakhliga kasoo xarooda ay qeyb ahaan qaadato xukuumadda Nairobi maadaama ay iyadda marti-geliso.
Fardowsa Cismaan Cigaal, wasiirka duulista hawada Soomaaliya, ayaa bogaadisay kororka dakhliga uu dalka ka helayo maamulka hawada waxaana ay rajo fiican ka muujisay in kor-u-kaca uu sii socon doono.
Colaadaha ka taagan Suudaan iyo Yemen ayaa sabab u noqdey in garoomada diyaaradaha Soomaaliya ay soo jiitaan duulimaadyadda caalamiga ah, balse waxaa hareer socda walwal cusub oo ah qiimaha kulul ee duulimaayadan.
GAROWE ONLINE