Danaha Shiinaha ka dhex-arkay heshiisiinta Sacuudiga iyo Iiraan
MUQDISHO, Soomaaliya - Dalalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa wada-hadalo uga socdeen mudooyinkii u danbeeyay dalka Shiinaha iyada oo u dhaxeeyaan wada-hadaladu masuuliyiin ay hogaaminayaan labada gudoomiye golaha amni qaran ee heer wadan.
Labada wadan ayaa ku heshiiyay in ay iska laabaan baalashii khilaafka isla markaana ay furaan buug hor leh oo ah xiriir wanaagsan iyo is-ixtiraam.
War-saxaafadeedyo ay kusoo dhawaynayaan arinta ayaa kasoo baxay madaxda labada dal. Wasiirka arimaha dibada boqortooyada Sucuudiga, Faisal bin Farhan bin Abdullah Al Saud ayaa yiri: "Dowladaha gobalku waxay leeyihiin hal aayo taasi oo lagama maarmaan ka dhigaysa in ay iska kaashadaan dhismaha horumarka".
Wasiirka arimaha dibada Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa dhankiisa tilmaamay: "Siyaasadda daris wanaagu waa arin u dub-dhexaad ah waana kasii shaqaynaynaa in badan sidaas oo kale. Soo celinta xiriirka Sucuudiga iyo Iiraan waxay wax badan u suuragellinaysaa gobalka iyo Caalamka Islaamka".
Muxuu Shiinuhu u dhex-dhaxaadiyay Sucuudiga iyo Iiraan?
Aqoonyahan, Cabdicasiis Bin Saqar, oo ah maamulaha xarunta cilmi baarista Khaliijka oo la hadlay Telefishinka Al Jazeera ayaa yiri: "Shiinuhu waa dal dhaqaale badan uu ka yaalo Sacuudiga iyo Khaliijka".
Wuxuu raaciyey: "Sidoo kale waa saaxiibka dhaqaale ee ugu wayn ee Iiraan sidaas darteed arinta ku saabsan in Iiraan ay ilaalin karto ammaanka safaaradaha iyo xarumaha diblumaasiyiinta waxay ka bixisay Iiraan damaanado".
Maxamed Sedqiyaan oo ah khabiir u dhashay dalka Iiraan ayaa ku doodaya in ay uu heshiiska labada wadanba wax u tari doono iyada oo lagu heshiiyay in aan dalalku midna faro-gelin kan kale arimihiisa gudaha.
Is-fahamka noocaan oo kale ah ayuu ku tilmaamay mid faa'iido wayn u leh dalalka gobalka isla markaana xal u keenaysa arimihii ay isku hayeen oo ay ugu horeyso faafinta Shiicada oo xukuumadda Tehran kamid tahay waxyaabaha ay sidda weyn uga ololayso fagaareyaasha caalamka.
GAROWE ONLINE